Madaxwaynaha Somaliland Oo Magacaabay Guddi Wasiirro Ah Oo Ka Shaqeynaya Xoojinta Cilaaqaadka Itoobiya Iyo Digniin Loo Diray Maamulka Puntland

(SM:Hargaysa) Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadlay faro-galinta Maamul gobolleedka Puntland ku hayo gobollada bariga Somaliland, xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka jaarka ah iyo arrimo kale oo uu ka mid yahay khilaafka xisbiga Kulmiye ee ragaadiyey qabsoomidda shirwaynihii xisbigaasi.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka Somaliland ee wakiilka qaramada midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba xidhiidhka dawladda Ingiriiska wixii ka dambeeyay digniintii Ingiriiska ee la xidhiidhay nabadgalyada Somaliland iyo Soomaaliya.

 

 

Wasiirka oo ugu horeyn ka hadlaya faro-galinta Puntland ee gobollada bariga dalka, ayaa yidhi “Somaliland waa dawlad iyo dad nabad jecel, dhowr iyo labaatankaa sanadood ee ay jirtayba nabadgalyo ayay ku waartay, Somaliland maaha dawlad dagaal iyo rabshad wadda, Somaliland way taqaanaa xuquuqdeeda iyo xuduuddeeda, sida lala socdana Somaliland waxay ahayd Waddan uu Ingiriisku gumaysan jiray, Puntland iyo Jubaland-na waa dhulkii uu Talyaanigu haystay, xuduud muciyan ah ayaynu kala lahayn, sida xuduudaha kale ee Afrika ama caalamka, Puntland-na wax shaqo ah oo ay ku leedahay wixii xuduudda Somaliland ku jira ma jirto, annaga waxay wadahadallo noo socdaan Soomaaliya, Puntland-na waxay ka mid tahay Soomaaliya oo waa gobol, dabcan jaar-baanu nahay gobolkaa sheeganaya Puntland, Puntland-na way ogsoon tahay, caalamkuna wuu ogsoon yahay xuduudoodu halka ay ku qeexan tahay, xaqna uma laha marka aanu tagno Magaalooyinkayaga ah, waanuna tagaynaa, Somaliland-na ogollaan mayso in xuduudaheeda laga soo talaabo, gardarana lagu sameeyo, annagu nabad-baanu jecelahay iyo jaarnimo wanaagsan, hasa-yeeshee qofna ma odhan karo hebel-baanu isku reer nahay ama isku jilib nahay, waayo annagu imika ma odhan karno waxaanu qabsanaynaa Xarshin ama Tog-wajaale dhinaceeda (Itoobiya) reero annaga ah ayaa degan”

 

 

 

 “Dawladdii iyo Madaxwaynihii hore ee Puntland ilaaqaad fiican ayaanu lahayn, waanad la socotaan in Madaxwaynahan cusub uu ololihiisii ku galay rabshad iyo dagaal, isagoo leh dhul-baan soo dhicinayaa oo dagaal wada, annaguna waxaanu halkaa u tagnay (Laasqoray) inaanu dadkayaga ka war doono, oo annaga ayaa ka masuul ah oo xukumayna, dawladda Somaliland-na u adkaysan mayso, aqbalimaysana nin xaq-daro ku sameeya, annaguna niman xaq-daro doonanaya ma nihin oo nabadgalyo ayaanu jecelahay inaanu kula noolaano jaararkayaga, Itoobiya ha ahaato, Jabuuti ha ahaato ama Soomaaliya, markaa Somaliland-na marnaba ma abuureyso rabshad iyo dagaal, laakiin ay ilaashanayso xuduudeeda iyo xuquuqdeeda, cidna marti uga noqon mayso..….”

 

Wasiirka oo shalay u waramayey Wariye Xamse Cali Bubul oo ka mid ah Hawl-wadeenada Telefiishanka Qaranka Somaliland, waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidhay xidhiidhka qaramada Midoobay iyo Somaliland

 

 

“Somaliland iyo qaramada Midoobay wax dhibaato ah oo dhex yaalaa ma jiro, laakiin markii ergay Nickalas Kay uu Hargeysa yimid waxa dhacday dhibaato yar, hasa-yeeshee Somaliland ilaaqaad dhow ayay la leedahay isaga (Nickalas Kay) iyo qaramada midoobay dhammaantood, waana ilaaqaad aanu jecelahay inaanu sii kobcino, intii aan ahaa Wasiirka arrimaha dibadda lamaan kulmin Nickalas Kay, laakiin si fiican ayaan u aqaanaa isaga markaan sidiisa oo kale ahaa ee aan madaxda ka ahaa Daarfuur, oo wakhtigaas wuxuu ahaa safiirka Ingiriiska u joogay Suudaan, waanuna kulmaynaa..”

 

 

Wasiirku waxa uu beeniyey war-bixin Nickalas Kay u gudbiyey qaramada midoobay, taasi oo nuxurkeedu ahaa in Somaliland lagu cabudhiyo axsaabta Mucaaradka ah  “Way jirtay mar ay bixiyeen war-bixin aan sugnayn waanuna u sheegnay Nickalas Kay, war-bixintaasi oo lagu yidhi waxa la xidhay Guddoomiye (Xisbi) oo aanay waxba ka jirin, imikana tan la yidhi asxaabta ayaa la cunaqabateynayaa, annigu uma arko inaanu asxaab cunaqateynayno, asxaab aanu ilaaqaad xun la leenahay ma jirto. Somaliland waa waddan dimuqraadiya oo sida lala socdo warbaahintiisu xor tahay oo dadku ay ku cabiraan saxaafadda, laakiin way jirtaa mar mar khilaaf dhex mara Baarlamaanka gudihiisa ama dawladda iyo asxaabta, laakiin dawladda Somaliland marnaba iskuma dayi karto inay cidhiidhi galiso xisbi ama cunaqateyso xisbi ummadi dooratay oo ummada Somaliland badhkeed matalaya…markaa waan la kulmayaa Nickalas Kay oo waanu ballansanahay inaanu kulano oo aanu ka wada hadallo wixii dan noo wada ah..”

 

 

 

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Md. Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidha Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu sheegay in Madaxwaynaha Somaliland uu dhawaan Magacaabay afar wasiir oo xidhiidh la sameeya Itoobiya

 

 

“Xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya waa xidhiidh aad u qoto dheer, waa xidhiidh walaaltinimo ah, waad la socotaan inta aan joogay waxaan ku dedaalay in Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo Madaxwaynaha (Somaliland) is arkaan, waxaanu ka wada hadallay inaanu yeelano ilaaqaad culus oo xagga dhaqaalaha, xagga Nabadgalyada, waxa uu Madaxwaynuhu Magacaabay afar Wasiir oo aan annigu Guddoomiye u ahay, oo ay ka mid yihiin Wasiirka qorshaynta, wasiirka ganacsiga iyo wasiirka daakhiliga, inaanu afartayadaasi xidhiidh la samayno, imikana ballamihii ayaanu sugaynaa, inaanu aad u sii xoojino ayaanu doonaynaa ilaaqaadka Somaliland iyo Itoobiya”ayuu yidhi

 

 

“Ingiriiska ilaaqaad fiican ayaanu leenahay, laakiin waxaanu ka xunahay oo aanu ku diidan nahay in aanay waxba ka bedalin arrintan ku lugta leh safarada, waxaan arrintaa kala kulmay wasiirkooda Afrika, wasiirka ammaanka, waxaanu ka wada kulanay safiirradooda Kenya iyo Itoobiya, waxayna ballan-qaadeen inay dib u eegayaan, waxaanuna filaynay inay wax ka bedalaan, waayo waxaanu aaminsanahay in Somaliland tahay Waddan nabad ah, waxayna ku saleeyeen (inaan Muwaadiniintoodu tagin Somaliland iyo Soomaaliya) qaraxyada Muqdisho ka dhacay, halkan iyo Muqdisho-na way kala gaar ah, waxay la mid yahay London ha tagina Paris ayuu qarax ka dhacaye…markaa ilaaqaadkayagu wuu fiican yahay, hasa-yeeshee safarada ay ka mabnuuceen dadka reer Yurub ee iman lahaa Somaliland waxaan u aragnaa inay cunaqabateyn ku tahay dhaqaalahayaga iyo dadkii u iman lahaa inay wax gashadaan..”

 

 

Wasiir Biixi, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka ka dhashay soo xulista ergooyinka ka qayb-galaya shirwaynaha xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi “Guddiyadii Turxaan bixintu waxaanu aaminsanahay inaanu soo afjarnay khilaafkii yaraa ee lanoo xil-saaray ee labada kooxood ka dhaxaysay, waanuna ku ducaynay oo waa lanaga aqbalay, masuuliyadduna halkaas ayay ku ekayd, inkastoo uu ku jiray heshiiska qodobka 10-aad oo sheegayey inaanu mus dambeed noqono oo haddii khilaafaad yimaaddo aanu xallilo, waxaanuna arrinta ku wareejinay guddiyadii qaban-qaabada, iyaguna 10 xubnood ayay ka dhigeen, habeen hore ayaanu annagu dhexdayada kulanay, waxaanuna garanay inaanu maalmo siino oo ay wadaan hawsha ah sida loo kala qaybsanayo ergooyinka oo dabcan aan sahlanayn, waxaanuna rejaynaynaa dhamaato oo is-afgarasho fiican timaado, haddii lanaga fursan waayana waanu dhex gali doonaa….”

 

 

Wasiir Biixi, ayaa sidoo kale ka hadlay hanaanka shaqo ee wasaaraddiisa, isaga oo xusay in mashaariicda horumarineed ee ay bulshada caalamka kala xaajoonayaan ay qayb ka tahay shaqadiisa, isaga oo xusay in shaqadii aqoonsi raadinta ee wasaaraddu qaranka u qaabilsanaydna ay socoto, waxaanu tilmaamay inuu dhawaan safar ku tagayo dalka Maraykanka.

 

Xigasho:Wargayska Somalilandtoday