Madaxwaynaha Somaliland Oo Tacsi U Diray Ehelada Uu Ka Baxay Marxuum Maxamed Xuseen Dheere

(SM-Hargeysa) – Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Tacsi u diray ehelada iyo qaraamadii uu ka baxay Marxuum Maxamed Xuseen Dheere, oo ku geeriyooday wadanka Australia.

Dhambaalka Tacsida Madaxwaynaha ayaa u dhignaa sidan  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Xuseen Dheere oo ku geeriyooday 28/02.2014, wadanka Australia.

Marxuumka oo Hormood ka ahaa Aas-aasayaashii SNM, waxa uu door muhiima ka qaatay dib u dhiska dalka, iyo nabadayntii beelaha wadadega Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan reer Cabdiqaadir Faarax, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.