Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo maanta lagu caleemo saaray Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Waxaa maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, si rasmi ah loogu dhaariyay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed iyo Ku Xigeenkiisa Maxamuud Sayid Aadan.

Boqolaal ruux oo ka tirsan qaybaha bulshada ee ku dhaqan Magaalada Baydhabo, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa goobjoog ka ahaa Madasha dhaarinta.

Munaasabada dhaarinta oo lagu qabtay Xarunta ADC, ayaa waxaa ammaankeedu suggaayay Ciidan aan ka tirsan Dowladda iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom, toona.

Sidoo kale waxaan jirin wax wefdi ah oo ka socday Dowladda Federalka ee Soomaaliya, oo maanta ku sugnaa Madasha Xarunta ADC, sababo ku aadan Dowladda oo kahor timid jiritaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Ergooyinka soo dooratay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Koonfur Galbeed, ayaa waxa ay ku bogaadiyeen in ay horyaaliin shaqooyin adag, oo la doonaayo in ay wax ka qabtaan, iyana ay garab taagan yihiin.

Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa waxa uu dadka reer Baydhabo uu u sheegay in Maamulkiisu uu gaari doono dhammaan lixda Gobol, ee loo dhaariyay in uu ka hawlgalo.

Hogaamiyaha Maamulka Kmg ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”, ayaa wax riyo ah ku tilmaamay Dhismaha Maamulka Koonfur Galbeed, mar uu la hadlaayay laanta afka Somaliga ee BBC.