Madaxweynaha Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Eedo Uga Yimid Bahda Garsoorka Oo Ku Eedeyey In Xukumadiisu Faro Galin Qaawan Ku Hayso

Madaxweynaha Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Eedo Uga Yimid Bahda Garsoorka Oo Ku Eedeyey In Xukumadiisu Faro Galin Qaawan Ku Hayso

42siilaanyo2

March 2, 2014 Hargeysa(SM) – Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedo uga yimid bahda garsoorka oo ku eedeyey in Xukumadiisu faro galin qaawan ku hayso.

WAR-SAXAAFADEED:
Madaxweynaha ayaa sheegay in wax faro galin ah anay ku haynin bahda garsoorka ee Somaliland. Sidaasi wax lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo uu ku saxeexanaa Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

Waxaa maanta qaar ka mid ah warbaahinta lagu baahiyey war ku saabsan sida ay ku andacoodeen, qaarka mida xaakimada maxkamadaha hoose, in xukuumaddu ay garsoorka fara-gelin ku hayso. Ma jirto wax dacwad ah oo arrintaasi ku saabsan oo iga soo gaadhay gudiga caddaalada, waxaana iga go’an xukuumad ahaan in aanu gacan-buuxda ku siino gudashada waajibaadka garsoor ee ay qaranka u hayaan maxkamaduhu, waxaana la dareemi karaa intii ay xukuumadaydu ay timid waxyaabaha iyo isbedelada ka muuqda garsoorka dalkeenna, haddii ay jiraan cid shaqsiya ay fara-gelin u gaysatay garsoorka marka la xaqiiyo ka dib waxaan ka qaadi doonaa tallaabada ku haboon.

Ugu dambayn garsoorka iyo maxkamadeheenna waxaa laga rabaa iyada oo la dhawrayo anshaxa dawladeed iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’addaha kala duwan ee dawladda, in wixii cabasho ah ee jira loo maro nidaam maamul iyo qoraal, balse aanay munaasib ku ahayn in warbaahinta la isu mariyo eedo iyo dacwado aan loo gudbin cidii ay khusaysay,”ayuu madaxweynuhu ku yidhi qoraalka uu kaga jawaabay eedihii xukaamta maxkamadaha hoose u soo jeediyeen xukuumadda

Salaanmedia/Hargaysa