Madaxweynaha Somaliland Oo ka Waramay Qasdiga Socdaalkiisa Goboladda

‘Safarkan waa mid aanu ku Qiimaynayno Goboladda Dalka waxyaabaha ka qabsoomay, Baahidooda Iyo wixii ay Dawladu ka Qaban Karto’IMG_0259

Berbera (SM): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayay oo ku guddo jira lugtii labaad ee socdaalka hawleed ee ay ku marayaan deegaamadda xeebta galbeed ee Somaliland ayaa shalay meel fagaare ah kala hadlay shacbiga ku dhaqan magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Selel.

Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaaladda Saylac oo ay ka soo qaybgaleen maamulka gobolka, ka degmadda, salaadiin, cuqaal, waxgarad, haween iyo dhallinyaro iyo dadweyne kale oo tiro badan.
sidoo kale waxaa xafladaasi goob joog ka ahaa wasiiradda iyo masuuliyiinta kale ee madaxweynaha kormeerkaasi ku wehelinaya, iyada oo ka hor intii aanu tegin madaxweynuhu meesha uu bulshada kala hadlay socod lug ah ku soo dhex-maray Magaalada Saylac.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadal u jeediyay dadweynihii halkaasi joogay, ayaa uga mahad naqay bulshadda reer Saylac sida qiimaha leh ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu yidhi “Waan idinka mahadnaqayaa sidii qiimaha iyo sharafta lahayd ee aad noo soo dhawayseen, aad iyo aad ayaan idinka mahad celinayaa, aadna waan idiinku mahad naqaya, sidii caadadda idiin ahayd”.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay socdaalka uu ku marayo goboladaasi mid uu ugu kuur gelayo, kuna qiimaynayo waxyaabaha ay dawladu ka qabatay iyo sidoo kale baahiyaha ka jira, “Waxaan leeyahay socdaal ayaanu ku jirnaa, safarkan aanu ku jirnaana waa mid aanu ku qiimaynayno goboladda dalka, oo aanu ku eegayno waxyaabaha ka qabsoomay iyo baahidooda ka jirta iyo wixii ay u baahan yihiin iyo wixii ay dawladu ka qaban karto baahiyahaasi, waxaanu goboladda u maraynaa in aanu arrintaasi ogaano, aad iyo aad ayaad noogu muujiseen, nooguna cadayseen, waxgaradka iyo shacbigii halkan ka hadlay iyo masuuliyiintii aanu la kulanayba aad ayay nooga dhaadhiciyeen, noona fahamsiiyeen, oo aanu iskula naaqishnay baahiyaha dalka ka jira” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

waxa kale oo uu tilmaamay madaxweyne Siilaanyo in ay xukuumad ahaan u balan qaadayaan in ay wax ka qabtaan baahiyaha kala duwan ee ka jira gobolka Selel waxaanu yidhi “Waxaanu idiin balan qaadaynaa in aanu baahiyahaasi la tilmaamay sida aad wasaaradaha qaar horeba ugu mahad sheegateen inta kalena aanu wax ka qabano”.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde ayaa isna halkaasi ka jeediyay hadalo mahadnaq ah, waxaanu ku guubaabiyay bulshadda ku dhaqan gobolka Selel in ay u samraan baahiyaha ka dhiman, isaga oo u balan qaaday in ay xukuumadu baahiyahaasi wax ka qaban doonto.waxaanu yidhi “Waxaa farad noo ah in aanu maanta idiin soo booqano weftigan uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, walaaleyaal waxaan jecelahay in aan idiin sheegno intii hore waxaynu ku jirnay in aynu dalkeena dhisano, in aynu dawladnimadeena xaqiijino, maantana waxaynu u qalab qaadanay oo aynu jidkeedii qaadnay in aynu wadankeena horumarkiisa ka shaqayno”.
Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo isna xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay qorsheyaal ay wasaaradda caafimaadku doonayso in ay wax kaga qabato baahiyaha dhinaca caafimaadka ee ka jira gobolka Selel.

waxaanu yidhi “Mudane Madaxweyne aniga oo ka duulaya siyaasadeena xagga caafimaadka ee ah in la gaadhsiiyo adeegyadda caafimaadka dhammaanba wadankeena, Somaliland aniga oo ka duulaya ayaan kormeer ku soo maray laba bilood ka hor dhamaanba goboladda dalka, wixii aynu qabanayna waanu aragnay, wixii baahi ah ee jirtana waanu ogaanay, markii aan noqday ee aan safarkii soo gebagabeeyay, waxaanu doorbidnay ama dejinay barnaamij cusub oo ka kooban hirgelinta dhamaanba adeegyada caafimaadka, barnaamijkaasi waxa uu ka bilaabmayaa gobolka Salal oo dhan”.
Wasiirka Waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan oo iyadna halkaasi hadal ka soo jeedisay ayaa u soo jeedisay dadka ku dhaqan magaaladda Saylac in ay gacmaha is wada qabsadaan, isla markaana ay meel uga soo wad ajeedsadaan horumarka.
“Waxaan leeyahay haddii aydaan gacmaha is-qabsan, oo aanay reer Saylac mid noqon, haddii aanay dawladda hoose ina la shaqyan, sida ay imikaba inoola shaqayso, waxba qaban kari mayno runtii, waxaan ku faraxsanahay in ay nala shaqeeyaan dadka reer Saylac, oo aanu anaguna gacantooda la qabano, waxa kale oo aan halkan uga mahad naqayaa, had-yadana aan ka guddoomayaa Xasan Muuse Cumar, oo aan leeyahay hayadii waan kaa gudoomay” ayay tidhi Marwo Samsam.
Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada ayay halkaasi bulshada reer Saylac shahaado sharaf ku gudoonsiiyeen, taasi oo ay sheegeen in ay ku mutaysatay horumarka dhinaca waxbarashadda ee ay ka hirgelisay gobolka Selel.
Sidoo kale Wasiirka Kalluumaysiga Cali Jaamac Faarax (Buureed) ayaa isna xafladaasi hadal ka jeediyay, waxaanu yidhi “Marka aan ka hadalno xagga kalluumaysiga inagu waa inagii hore isugu nimid go’aana isla dhisanay, dhibaatooyinka xagga kalluumaysiga ka jirana waynu ognahay, waxaan doonayaa madaxweynaha hortiisa in aan idiinka sheego waxyaabaha inoo soo socda xagga kalluumaysiga, oo madaxweynaha iyo dawladuba ay ogyihiin, madaxweynuhuna sabab u yahay dedaalkeeda iyo raadinteedaba, waxaynu hiigsanaynaa oo dekeda iyo kalluunba inoo ah, dekeddii yarayd ee Cusmaaniyiintu dhiseen oo burbursan doonyuhuna aanay soo geli karin. Waxaan maanta ugu bushaaraynayaa reer Saylac in ayaanu dhawaan dhismaheeda bilaabi doono dekeddaasi, lana dhisi doono”.
waxa kale oo iyagna madashaasi hadalo ka soo jeediyay Maayarka Degmadda Saylac, Xuseen Iidle Barkhadle iyo badhasaabka gobolka Salal C/rasaaq Waaberi Rooble.

Dhinaca kale madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa duhurnimadii shalay waxaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay degmada Lughaya ee gobolka Maroodi Jeex iyada oo ka hor intii aanay gaadhin gudaha magaalada Luhaya madaxweynaha iyo weftigiisu ayaa waxaa ka hor yimid oo soo dhaweeyay boqolaal dadweynaha oo ka mid ah kuwa ku dhaqan deegaankaasi, kuwaasi oo ruxayay calanka Somaliland iyo caleemo qoyan oo ay ku soo dhawaynayeen, isla markaan ku dhawaaqayay erayo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin booqashadda madaxweynaha.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa intii uu ku sugnaa magaaladda Lughaya waxsa uu dhagax dhigay mashruuca dekeda cusub oo laga dhisayo magaaladdaasi, waxaanu sidoo kale madaxweynuhu meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha ku nool magaaladaasi, kuwaasi oo uu u balan qaaday in xukumadu cid kasta oo ay kaashataba bilaabi doonto dhismaha dekedaasi, xukuumada ahaana wixii awoodooda ah ay la qaban doonaan bulshada degmadaasi.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa warbixino ka dhegaystay qaybaha kala duwan ee bulshaddu ka siiyeen xaaladda nololeed ee deegaankaasi, iyada oo waxgaradkii halkaasi ka hadlay balan qaadeen inay kaalin muuqata ka qaadan doonaan dhismaha dekedda uu Madaxweynuhu dhagax dhigay.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa isna dhinaciisa uga mahad celiyay dadweynaha degmada Lughaya sida wanaagsan ee ay u qaabileen isaga iyo weftiga uu hogaaminayo.waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayay farxad weyn iigu tahay in aan maanta fursad u hello in aan dhagax-dhigo dekadda Lughaya oo aan taariikhda ku gallo, oo ay magac iyo maasuus ugu noqoto qaran ahaan, iyada oo aan filayo in wax weyn ka tari doonto mustaqbalka”.

Geesta kale weftiga uu hogaaminayo madaxweynuhu waxay lugta socdaalkooda ku sii mareen degmadda Bullo-xaar ee gobolka Saaxil, halkaasi oo ay ugu kuurgaleen xaalada nololeed iyo nabadgelyo ee degmadaasi.
Weftiga uu hogaaminayo madaxweyne Siilaanyo ayaa intaasi ka dib waxa ay uga sii gudbeen dhinaca magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera oo xalay u hoydeen.

Salaanmedia/Hargeysa