Madaxweynaha Somaliland oo Shacbiga uga Mahad-celiyay sidii ay u soo dhaweeyeen weftigiisii

Madaxweynaha Somaliland oo Shacbiga uga Mahad-celiyay sidii ay u soo dhaweeyeen weftigiisii

Siilaanyo 1

 

 

 

 

 

Hargeysa (SM)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal mahad-celin ah u jeediyay shacbiga ku dhaqan goboladda dalka oo uu tilmaamay inay si weyn u soo dhaweeyeen tobankii maalmood ee uu socdaalka shaqo ku marayay min Saylac illaa Laas-qoray.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmde Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo) isaga oo ku hadlaaya afkiisa Afka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland iyo Afka Weftigii Qiimaha badnaa ee uu hogaaminaayey kuna wehelinaayey Safarkii dheeraa ee Mudada 10-ka Cisho qaatay ee la magac baxay Hillaacii Xeebaha Somaliland, waxa uu Hambalyo u dirayaa Dhammaan Bulshada reer Somaliland, meel ay joogaanba haddii ay noqon lahayd kuwa ku dhaqan Gobolada iyo Xeebaha uu madaxweynuhu soo maray iyo haddii ay noqon lahayd kuwa kala socday Warbaahinta ee ku dhaqan qaaradaha Aduunka iyo Dalkaba.

Hambalyada Madaxweynuhu u diraayo shacbiga ayaa ah mid la xidhiidha sidii diiranayd ee Gobol, Degmo, Tuulo iyo Miyiba loogu soo dhawaynaayey iyaga oo muujinaaya dareenkooda Muwaadin-nimo, Madaxweynahana ku hambalyeeyey go’aanka geesinimada leh ee uu ugu badheedhay safarka dheer ee uu ugu kuurgelaayey sidii uu xogolaal ugu noqon lahaa waxay ku sugan yihiin shacbiga uu hogaaminaayo meel ay joogaanba.

Madaxweynaha oo ku soo guryo noqday maanta Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu 10-03-2014 uga baxay Galbeedka Somaliland 20.03.2014 kana uu ka soo galay Bariga Somaliland markii uu ka soo wareegay Xeebaha Somaliland.

Ayaa si gaara ugu mahadnaqayaa shacbiga sida wayn u soo dhaweeyey ee u taagnaa wadooyinka sidii ay madaxweynaha u soo dhawayn lahaayeen.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland Illaahay uga baryayaa inuu ku simo bash-bash, barwaaqo, iyo Rayn-rayn inay ku gaadhaan kuna noolaadaan ilaashadaana nabadgelyada iyo xasilooninada Somaliland maanta ku naaloonayso una saamaxday in weftiga Madaxweynuhu si nabada ugu soo wareego meelo dalka intiisa badan ka mida.”

Salaanmedia/Hargeysa