Madaxweynaha Somaliya oo booqday askartii ku dhaawacantay weerarkii Hotel Camaloow ee Deg. Buulo Burde (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Somaliya, ayaa mid mid u gacan qaaday Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ee dhaawacyadoodu la soo gaarsiiyay Isbitaalka Amisom ay ku lee yihiin Taliskooda Xalane.

Madaxweynaha, ayaa labada Ciidan kaga mahadceliyay sida geesinimada leh, ee ay u wajaheen Shabaabkii doonaayay in ay gudaha u galaan Dhismaha Hotel Camaloow.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Saxaafada la hadlay, ayaa sheegay in Shabaabku ay doonayeen in ay khasaaro badan ka geystaan Degmada Buulo Burde, laakiin aynaan noqon, sidii ay doonayeen.

“Sida ay dhagar qabayaashu damacsanaayeen iyo waxa aan aragnay aad bay u kala fogyihiin, geesinimo dheeri ah yay ka qaadeen ciidamadu, cadowga waxa uu damacsanaa iyo sida ay ciidanka uga hortageen waa wax aan caadi ahayn, inta dhaawacooda halista ku jirta waxaa lagu dadaalayaa sida lagu daaweyn karo oo dalka dibediisa loogu qaado, kuwaan iyo kuwa kale ee codowga la diriraya ku dhaawacma dowladdu waxa ay ku dadaalaysaa daaweyntooda iyo daryeelkooda.” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha oo fariin u diray shacabka Somaliyeed, ayaa waxa uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan Dowladda, si aragti mideysan loolgua dagaalamo Ururka Al Shabaab.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan markale u sheegaynaa in nimankaasi ay yihiin cadow aan dalka. dadka, iyo diinta aan wax u ogoleen, marka waxaan rabnaa in si wada jir ah loola dagaallamo cadowga umadda Soomaaliyeed, teeda kale mudadda yarta ah ee dagaalku lagula jiro shacabka waxa looga baahanyahay inay sii xoojiyaan taageeradooda.” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha.