Madaxweynaha Somaliya oo gelinkii dambe ee maanta gaadhay Wadanka Kuwait (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowladda  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa waxay gelinkii dambe ee maanta gaareen Xarunta Wadanka Kuwait ee Kuwait.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo duhurnimadii maanta ka amba baxay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku hakadeen dalka Jabuuti, oo ay kaga sii kicitameen dalkaasi Kuwait.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa casuumaad ka helay Amiirka Kuwait, iyadoo lagu wado in uu shir kaga qaybgalo dalkaasi, inta uu booqashadu ku jooggo Magaalada Kuwait.

Dalka Kuwait waxaa ka furman doono shirka Madaxda Wadamada Carabta oo maalmo kadib lagu wado in uu ka furmo Magaalada

Kuwait.

Wefdiga Madaxweynaha Somaliya ku wehlinaaya socdaalkiisa dalka Kuwait, ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda ee Somaliya C/raxmaan Ducaale Beyleh.

Inta uu booqashada ku jooggo Madaxweynaha Somaliya Kuwait, ayaa waxaa suurta gal ah in uu kulan kula qaato Jaaliyada Somaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.