Madaxweynaha Soomaaliya oo goor dhow u amba baxay Magaalada Tokyo ee Wadanka Japan

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu horkacaayo, ayaa waxay maanta ka amba baxayn Garoonka Aadan Cadde, iyagoo ku sii jeeda Magaalada Tokyo.

Madaxweynaha, ayaa waxa uu casuumaad ka helay Ra’iisal Wasaaraha Japan Shinzō Abe, waxayna ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo la xiriira labada dal.

Afhayeenka Madaxtooyada ahna La taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya, Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), ayaa waxa uu xaqiijiyay in Madaxweynaha uu casuumaad ka helay Ra’iisal Wasaaraha Japan.

“Waxa oo uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Japan H.E. Shinzō Abe, oo ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo fulin lahaa ballanqaadyadii shirkii Yakohama ee sanadkii hore.” ayuu ku sheegay bogga uu ku lee yahay Facebook.

“Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxay wadaan qorshihii dib u dhiska dalka iyo mashaariicda.” Waxaa sidaasi yidhi Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow”.

Ma cadda mudada uu qaadan doono Safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagaayo Magaalada Tokyo, sidoo kalana lama garanaayo in uu dalal kale soo mari doono iyo in kale.

Safarka uu Madaxweynuhu ugu amba baxay Japan, ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli uu dalka ka soconaayo gulufyo waaweyn, oo lagu qaaday Deegaanada ay gacanta ku heyso Al Shabaab.

Salaanmedia/Mogdisho