Madaxweynaha Soomaaliya Oo Waraaqihii Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Ruushka(Daawo Sawiro)

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Waraaqihii Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Ruushka(Daawo Sawiro)

March 3,2014 Muqdisho(SM)-Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Ruushka Mr Valery Orlov. Safiirka cusub ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. ” Dowladda Ruushka aad iyo aad bey ugu faraxsantahay in maanta xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo Ruushka uu dib u bilowdo. Dowladda Ruushka ayaa diyaar u ah inay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka.” Ayuu yiri Safiirku. Sidoo kale Safirka ayaa ballan-qaaday in Dowladda Somaaliya ay Dowladiisa ka caawin doonto arrimaha horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska dalka. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Waxaan uga mahad-celinayaa dalka Ruushka inay safiir u soo diraan Soomaaliya, waana ku faraxsanahay in Ruushka uu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado shaqo ama tababaro ama deeq waxbarasho. Caalamkuna waxey kalsooni ku qabaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagtay, isla markaana uu dalka u gudbay marxalad horumarineed.” Ugu dambeyntii Madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay dowladiisa si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonto si uu u guto xilkiisa loo soo igmaday. 1234