Madaxweyne-ku-xigeenka oo Xadhigga ka Jaray Xarun loo Sameeyey Dadka la Qabsaday Dawada TB-da

Munaasibada Qaaxada

Hargeysa (SM)- Maalinta Qaaxadda Adduunka oo sannadkasta 24 March laga xuso caalamka, ayaa si weyn looga xusay magaalada Hargeysa maanta, taas loo loogu debaal-degay munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo ka qabsoontay Huteelka Ambassador ee magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan lagu xusayey maalinta TB-da oo uu soo qaban-qaabiyey xafiiska xakamaynta xanuunka qaaxada qaranka ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa waxa ka soo qaybgalay madax uu ka mid yahay Madaxwayne ku xigeenka dalka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirada caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye, diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliif C/laahi Axmed, Agaasimaha xanuunada guud ee wasaarada caafimaadka Dr Abiib Aadan Nuur, agaasimaha mashruuca xakamaynta qaaxada qaranka Dr Sayid Ismaaciil Xasan, saraakiil sare sare oo ka socday hay’adaha wada-shaqaynta la leh isla markaana ka taageera xanuunkaasi wasaarada caafimaadka oo ay ka mid yihiin hay’adaha WHO iyo World Vision.
Munaasibadii TB22

Dhamaan madaxdii ka soo qaybgashay xafladaasi ayaa kuwada dheeraaday khatarta xanuunka Qaaxada, kuwaas oo si wada jir ah u wada balanqaaday inay ka qaybqaadan doonaan dagaalka dalka lagaga dabar-jarayo xanuunka TB-da.

Sidoo kale markii munaasibadaasi dhamaatay ayaa madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa waxa uu xadhiga ka jaray xarun lagu dawayn doono dadka iyagu la qabsaday dawada qaaxada ee MDR-ka loo yaqaano, taas oo laga hirgaliyey gudaha cisbitaalka TB-da ee magaaladda Hargeysa.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha mashruuca xakamaynta qaaxada qaranka ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr Sayid Ismail Hassan, kaas oo ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu xafiiskaasi soo maray iyo waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka haya, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Guud ahaan Somaliland waxa ka jira 15 xaruumood oo lagu daweeyo dadka xanuunka qaaxada qaba, kuwaas oo markii hore ahaa 14 xaruumood oo heer caalami ah, waxaananu sanadkan 2014 ku soo kordhinay xarun cusub oo laga hirgaliyey degmada Xariirad ee gobolka Awdal. Waxa noo qorshaysan inaanu gaadhsiino isla sanadkan oo aanu Caynabo iyo Xudun-na aanu ka hirgalino laba xaruumood oo taasi waanu ku gudo-jirnaa hawsheedii Insha Allaah dhawaana inaanu dhamaystirno ayuu qorshahayagu yahay”.

Agaasiaha xakamaynta qaaxada Dr Sayid isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxaanu doonaynaa inaanu dalkeena Somaliland ka dabar-jarno xanuunka khatar ah ee Qaaxada, waxa kale oo jira hay’addo arrimahaasi nagala shaqeeya oo ilaa 8 ah oo naga taageera hawshan oo wada shaqayn fiican naga dhaxayso, waxaana ugu horaysay hay’adda World Vision oo masuuliyad wayn iska saarta xanuunka TB iyo hay’adda WHO iyaduna arrimo mihiim ah naga taageerta oo aanu si wayn uga wada shaqayno arrimahaasi, run ahaantiina waa labada baal ee aanu ku duulno labadaas hay’adood. Waxa aan doonayaa inaan bayaamiyo in dadka marka ay si fiican u qaadan waayaan inay keento xanuunka khatarta badan ee loo yaqaano MDR oo aynu imikana xaruntii lagu dawaynayey aanu maanta uu madaxwayne ku xigeenku xadhiga ka jari doono goordhaw”.

Agaasimaha mashruuca xakamaynta qaaaxada qaranka ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Sayid Ismail Hassan, mar uu ka hadlayey xarunta MDR-ka ee uu madaxwayne-ku-xigeenku shalay xadhiga ka jaray, waxa uu yidhi; “Dadka qaaxadda qaba waxa lagu daweeyee muddo saddex bilood ah, waxaana lagu shay-baadhaa oo lagu daweeyaa xarumaha TB-da ee dalka ku yaala, markaa baadhitaanka iyo waxkasta oo uu u baahan yahay waa lacag la’aan. Waxa nasiib wanaag ah oo wax lagu farxo ah in dadka MDR-ka ah markii hore loo diri jiray dalka Kenya laakiin maanta waxa uu maanta madaxwayne ku xigeenkeenu sida aan hore u sheegay uu xadhiga ka jari doonaa xarun caafimaad oo lagu dawayn doono dadka dawadda qaaxada la qabsatay ee MDR-ka ah”.

Dr. Xaglo-toosiye “Maantu waa maalinta uu caalamku u asteeyey maalinta Qaaxada oo macnaheedu yahay in la is xasuusiyo cudurka cadawga ah ee dhibaatada badan ku haya dad aad u tiro badan oo dunida dacaladeeda ku kala nool, waxa kale oo ujeedada xuska maalintani yahay in laga hadlo sidii loo xakaym lahaa cudurkaas halista ah. Waxaanad mudane madaxwayne ku xigeen aad noo furi-doontaa marka aynu munaasibadan ka baxno dhisme loogu talo-galay xanuunkaas maanta halkan lagaga hadlayo ee MDR-ka ah oo lagu dawayn-doono dadka la qabsaday dawada cudurka TB-da”.

“Runtii aad iyo aad ayey xaruntani mihiim u tahay oo ilaa imika ilaa 45 Kiis oo MDR ah ayaanu ilaa imika haynaa iyo waadhadhkii lagu hayn-lahaa dadkaa MDR-ka iyo Laboratory-gii oo casri ah oo dadka halkan ayaa lagu baadhayaa halkii markii hore dibada loogu diri-lahaa. Wasaaradda caafimaadka Somaliland waxaa ka go’an in si buuxda loo xakameeyo xanuunka TB-da oo dhawrkii sano ee ugu danbeeyey waxaanu ka wasaarad ahaan ku guulaysanay in xanuunkaasi aad hoos loogu dhigo, isla markaana dad badan oo qabay la daweeyo. Waxa aan halkan uga mahadnaqayaa dhamaan hay’adaha wada-shaqayntu naga dhaxayso dhamaantood”.

Waxa kale oo isagu halkaasi ka hadlay oo munaasibada soo xidhay madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) isaguna waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Maanta waa maalin wayn oo mudan in la xuso maadaama oo dagaal lagula jira mid ka mid ah cudurada ugu khatarta badan dunida oo ah cudurka Qaaxada.mida kale xanuunka TB-du waa wax dhibyar sida loo daweeyaa marka aad eegto oo maaha in dadku ay ka xishoodaan inay iska daweeyeen cudurka oo malaha wax ceeb ah, soomaalidu waxay tidhaahdaa waxa igu dhacay dhaxanyar laakiin maaha inay yaraysato ee waa inay ogaataa in xanuunkani khatar badan yahay hadii si fiican la iskaga dawayn-waayo oo ha la ogaado in inuu yahay wax fudud iska dawaynta cudurka qaaxadu oo sida durayga oo kale ah”.

Madaxwayne ku xigeenku isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaasi raaciyey “Qofku hadii uu ka xishoodo inuu sheego in TB hayso oo uu qarsado waxa uu ku keenayaa khatar aad u badan oo waxa uu qaadsiinayaa dadkii ku dhawaa oo dhan laakiin sida ay dhakhaatiirtu inoo sheegeen marka uu qofku dawada qaato waxa uu noqonayaa mid aan cudurkii laga qaadin oo aan bulshadii kale khatar ku ahayn, markaa waxa aanu ummadda Somaliland ugu baaqaynaa inay iska saaraan baqdinta iyo xishoodka oo aanay qarsanin xanuunka qaaxada oo ay ogaadaan in si dhibyar looga dawayn karo, waana inay la soo xidhiidhaan xarumaha caafimaadka ee ugu dhaw marka uu qofku iska shakiyo inay TB hayso si looga baadho hadii laga helona loo siiyo dawadii”.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, Agaasimaha xanuunada guud ee wasaaradda caafimaadka Dr Abiib Aadan Nuur, u qaybsamaha hay’adda WHO ee Somaliland Marwo Aasiya Cismaan, saraakiil ka socday hay’adda Hay’adda World Vision iyo masuuliyiin tiro badan oo ka socday hay’adaha ay ada shaqaynta leeyihiin wasaaradda caafimaadka kuwaas oo dhamaantood ku wada dheeraaday mihiimada ay leedahay in si wada jir ah looga wada qayb-qaato dabarjarid xanuunka qaaxada, kuwaas oo wasaaradda iyo hay’adaha kala shaqeeyeyba ku amaanay faritaanka xarunta MDR-ka ee lagu dawayn doono dadka iyagu la qabsaday dawadda TB-da.

Dhinaca kale waxa halkaasi lagu soo bandhigay riwaayado iyo heeso ka hadlaya khatarta xanuunka qaaxada, kuwaas oo ay soo bandhigeen kooxda dhaqanka ee Hido, halka uu heesta ka hadlaysa TB-da uu munaasibadaasi ku soo bandhigay fanaanka caanka ah ee Fu’aad Cumar Yare.

Salaanmedia/Hargeysa