Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Guddi U Magacaabay Aaska Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Guddi U Magacaabay Aaska Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec

say

March 14,2014 Hargaysa(SM)-Madaxweynaha Ku Xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil(Saylici) Ayaa Xalay Si Rasmi Ah U Magacaabay Guddid Qaban-Qaabada Aaska Qaran Ee Loo Samaynayo Marxuun Maxamed Saleebaan Tubeec Oo Dhawaan Dalka Dibadiisa Ku Geeryooday .

Wareegto Uu Qasriga Madaxtoonyada Ka Soo Saaray Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ayaa U Dhignayd Sidan

U Jeedo Magacaabis Guddi Aas Qaran

Mudanayaal

Sida Aan La Socono Waxa Dalka Jarmalka Ku Geeryooday Fanaankii Waynaa Ee Maxamed Suleebaan Tubeec(AHN) Waxa Ay Dawladu U Samayn Doontaa Aas Qaran .

Haddaba Waxa La Idiin Magacaabay Guddida Qaban- Qaabada Aaska Marxuunka Waxaanad Isku Duba Ridi Doontaan Habsami U

Socdka Hawsha Aaska.

Marxuumka Waxa Lagu Aasi Doonaa Magaalada Berbera Ee Gobolka Saaxil Oo Uu Ku Dhashay, Ku Barbaaray Kuna Dardaarmay .

Guddida Uu Madaxweyne Ku Xiggeenka U Magacaabay Aaska Marxuun Maxamed Suleebaan Tubeec Ayaa Kala Ah

1- Wasiirka Wasaarada Dhanliyarada Iyo Ciyaaraha

2- Wasiir Ku Xiggeenka Wasaarada Warfaafinta

3- Wasiiru Dawlaha Madaxtoonyada

4- Wasiir Ku Xiggeenka Amniga

5- Badhasaabka Gobolka Saaxil

6- Maayirka Magaalada Berbera

7- Maareeyaha Dekeda Berbera

8- La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arimaha Bulshada

9- Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame(Hadraawi)

10- Abwaa Xasan Xaaji C/Laahi(Xasan Ganey)

11- Boqor Axmed Ugaas Iimaan

12- Maxamed Xasan Cali (Waji)

Salaanmedia/Hargaysa