Madaxweyne Silaanyo horta ha soo celiyo gurigii dowlada uu ku jirey markuu mucaaradka ahaa by Abdi Mustafe

MAQAAL
Madaxweyne Silaanyo markuu ka soo saarey sharciga guryaha dowlada waxa la filaayey in uu isagu iska bilaabo oo guriga uu ku jirey markuu mucaaradka ahaa ee ku yaala daarta dowlada afaaf-keeda ee markii uu madaxweynaha noqdeyna uu geliyey nin qaba gabadh marwadu habaryar u tahay oo sarkaal milterigii hore ahaan jirey uu qabo in uu yidhaa anigu gurigaa dowlada ayaan ku soo celiyey. Laakiin dadka kalena ka baxa guryaha dowlada ana mid baa la ii sii heynayaa caqliga ma gasho.
Madaxweyne horta adigu iska bilow oo soo celi guriga dowlada ee magacaaga ku qoran ee laguu sii hayo. Mise waxaad leedey sidaan idhaa yeela oo anigu waxaan sameynayo ha eegina. ( Do as I say not as I do ).
Mida kale maxaa iminka ood afar sano madaxweyne ahayd keeney arinkan. Waxa la yidhi hadaan sacabka xeeladi ku jirin maxaaa habeen kii loo garaacaa.
Arinka kale ee umadu arga gixiso ku noqdey waxa weeye Dekeda Berbera ee la wareejinayo …. Waa taalabo qaldan oo wax Madaxweynaha ku kalifa aan la garaneyn.
Madaxweyne ha noqon ayax tegyoo eel reeb. Waxan aad sidaad doonto ka yeeleysaa waa hantidii dadka si fiicana uuma muuqato in aa u wadaan oo waa ka caqligiinu idin siiyey wadada Ceerigabo oo 400 KM ayaa lagu sameynayaa lacag ciyaal iyo shacab laga uruiriyey. Wadan kiina wada dhagax baa ka dhigteen oo meel walba la dhigay. Sidan xukuumadu kuma fayooba ee ha loo hubsado waxyaabaha suurta gal ka ah ee dalka faaiido u le iyo waxyaabaha dhibaato dheer keeni kara.
Kolay anigu kuma ogi madaxtooyada dad ka ag dhow oo caqli badan iyo celmi le ee bal cagta inoo dhiga.