Madaxweyne Xasan oo kormeeray Dekeda Yokohama iyo Xarunta Nippon Foundation (Daawo Sawirada)

Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo maalntii labaad booqasho ku jooga dalka Japan, ayaa maanta tegay Dekadda magaalada Yokohama ee Dalka japan.

Madaxweynana Xasan Sheekh Maxamuud oo tegay xarunta ciidamadda Ilaalada Xeebaha dalka Japan ee ku taala gudaha Dekadda, ayaa halkaasi warbixin ku aadan qaabka loo tababaro ciidamada iyo sida ay u howlgalaan ku siiyeey Saraakiisha Ciidamada Ilaalada ee Xeebaha Japan.

Sidoo kale Madaxweynaha, ayaa maanta booqday Xarunta Hey’ada Japan u qaabilsan Badaha (Nippon Foundation), isla-markaana kulan la qaatay Madaxda Hey’adda.

“Qorshaheennu wuxuu yahay in aan doorano meelaha aanu dooneyno in Dowladdu Japan naga caawiso, Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Qaaradda Afrika waa ineynu baranaa sidii aanu uga faa’iideysan lahayn iyo sidii aanu u difaacan lahayn” ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeen, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa loo sameeyey casho sharaf ay ka qeyb galeen, Wakiilka Dowladda Japan u qaabilsan Wadamadda Afrika, Xildhibaano ka socday Dolwadda Japan iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkan Japan.