Madoobe Nuunow Maxamed oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Soomaaliya Galbeed

Madoobe Nuunow Maxamed, ayaa wuxuu maanta ku guuleystay tartanka Madaxtinimada ee Maamulka Gobolada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo maanta ka qabsoomay Magaalada Baydhabo.

Ilaa lix Musharax, ayaa u tartamaayay xilkaan, waxayna kala yihiin Madoobe Nuunow Maxamed, C/fataax Maxamed Ibraahim (Geeseey), Eng. Xasan Abuukar, Maxamed Aadan Fartoogte, C/laahi Maxamed Idiris iyo Saalax Sheekh Cusmaan.

Doorashada oo ka dhacday Xarunta ADC ee Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa wax dooranaayay 73 xubnood, oo ka mid ah Odayasha Dhaqanka ee Deegaanka, oo iyagu loo soo xulay in ay Madaxweynaha doortaan.

Tartanka Doorashada, ayaa waxaa wareegii 2-aad isugu soo hadhay Madoobe Nuunow Maxamed, C/fataax Maxamed Ibraahim “Geeseey” iyo Maxamed Aadan Fartoogte.

C/fitaax Geeseey, ayaa waxa uu ka tanaasulay in uu sii tartamo, waxaana tartanka Doorashada isugu soo haray Madoobe Nuunow Maxamed iyo Maxamed Aadan Fartoogte.

Madoobe Nuunow waxa uu helay 44 cod, halka Fartoogte uu helay 23 cod, iyadoo sidoo kalana ay jiraan codad ilaa lix gaaraaya oo hallaabay.

Guddiga Doorashada, ayaa ku dhawaaqay in Madoobe Nuunow Maxamed uu noqday Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Dhanka kale Madoobe Nuunow Maxamed waxa uu soo noqday Wasiirkii Warfaafinta ee Dowladdii C/laahi Yuusuf, sidoo kale Dowladdii Shariif Sheekh Axmed, ayuu ka soo noqday Wasiirkii Dastuurka, gaar ahaan Xukuumadii Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Xilligii ay dhaceysay Dowladdii Shariif Sheekh Axmed, ayuu Baarlamaankiisii u kala jabay laba garab, iyadoo garab ka mid ah Gudoomiyaha Baarlamaanka loogu doortay Madoobe Nuunow Maxamed.

Salaanmedia/Mogdisho