Maqaal…LUGHAYA: SHEEKADU WELI WAA SIDDI SIDDI

LUGHAYA: SHEEKADU WELI WAA SIDDI SIDDI

AIbEiAIAAABECNOIvci6mvbrtwEiC3ZjYXJkX3Bob3RvKihmY2U4MzY5NTYwNWRiNjE3ZDA4OTg4Nzc1OGZlOTM3NTQzYTI3MWM1MAENykG8RJEUz3Cn3MSaaWRoanxW4g

Toddobaadkii hore, warbaahinta Awdal waxaa ugu weynaa hadalhaynta dibudejinta iyo dhagaxdhigga Dekedda Lughaya. Dibudejinta xukuumadda, madaxda xisbiyada Boorama warsaxaafadeed ayey diidmo dhegta ugu rideen Silanyo. Ta dhagaxdhiggase, “sacab iyo raynrayn” ayey Silaanyo la garab joogsadeen.

“Siddi Siddidu” ha joogtee, dhul-u-dhacii baa husbsiimo u baahan. Hubsiimadana, isweydiin baa ka horaysa: “Aayaha ayaa badsan doona saddexda beelood ee degaanka ku wada nool ama ku deriska ah?”

Dekedda iyo kalluumeysigeedu maalinta uu hirgalo, ciidan iyo shaqaale mooyee, faa’iidada ugu weyn sow yeelan maayaan maalqabeennada ugu maalgashiga badani? Maamulka iyo cashuurtana, sow Hargeysa laga daari maayo?

Maalgelin markay noqoto, cidda ugu cuddada rooni, miyeyna reer Jabuuti iyo Hargeysa ahayn? Ganacsiga dekedda iyo kalluumaysigaba, sow ugu sedbursan maayaan maalqabeennada Jabuuti iyo Hargeysa ugu lixaadka rooni haddii ay doonaan? Ayaa kuwa Ciise ka hor joogsan doona manaafacaadka maalgashiga iyo ganacsiga dekedda la kowsan doona?

Weli sheekadu waa “siddi siddiye”, hadday dhagaxdhigga dhaafto, la arki doonee cidda “ilig tidhaahda ee ardaaga u boodda!” iyo cidda ku dambahysa “reerka dabo yaal, kuwa dabo yaal!”

Prof. Hared Odah