“Markii Guurtidu Usoo Gurmatay Buuqii Ay Xukuumaddu Ka Dhex Abuurtay Golihii Wakiilada Ayey Imikana Ku Dhexdhacday Garsoorkii Dalka” Xoghayah Guud WADDANI Maxamed Cabdilaahi (Uur-Cade)

unnamed (1)

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdilaahi (Uur-Cade) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Faro Gelinta Ay Ka Cawdeen Bahda Garsoorku in hawlahooda lagu hayo. Waxa uu Xukuumada ugu baaqay in ay ka laabato isla markaana ay ka hawl gasho sidii uu garsoorku ugu madax Banaanaan lahaa hawlihiisa.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta U Waramayay Warbaahinta kala duwan, waxaanu intaasi ku daray in isla markaana uu kula dardaarmay Wasiir ku xigeenka amniga qaranku in uu faraha kala baxo Hawlaha uu gacmaha kula jiro Waxa uu carabka ku adkeeyey xog-hayaha guud ee xisbiga wadani inuu wasiir ku xigeenka arrimaha gudahu uu cid garabka saarayo isla markaana cidii laga xukumayo uu difaacayo cidii loo xukumayna uu Dulmayo.

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cade oo arimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi sidan “waxaad la socotaan am aad wada ogtihiin in ay somaliland ka kooban tahay saddex waxood oo kala ah garsoorka ,sharci dajinta iyo fulinta tan maanta socotaa waxa ka horeysey in wareera cadaan ah ay xukuumadu ku soo qaaday golaha wakiilada somaliland ilaa uu ilaahay u bixiyey una soo gurmadeen golahii guurtidu ilaa shalay waxaan warbaahinta ka arkayey xukuumada oo ka hadlaysa garsoorka buun-buuninaysa halkii ay dabka ka damin lahayd”.

Dhinaca kale xog-Hayaha Guud ee Xisbiga wadani Maxamed Cabdilaahi Uur-Cade waxa kale oo uu sheegay in garsoorkii ay xukuumadu siinayso amar cad taasina ay ku tusayso ayaa uu yidhi inaanu garsoorkii uu madaxwayne siilaanyo shalay lahaa wuu madax banaan yahay maanta cabudh san yahay. “waxa ay xukuumadu hadana usoo wareegtay markii ay guurtidu damisay colaadii iyo buuqii ay ka dhexe abuurtay golaha wakiilada in ay hadan ku dhexe dhacdo garsoorkii sida ay shegeen garsoorayaal ka tirsan maxkamada gobolka iyo ta raf-caan kaba leh ragas hadlayeyna waxa ay shegeen in ay xukuumadu si cad oon gabasha lahayn usoo faro galisay amaro kala duwana siinayso bahdii garsoorka”.

 Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray Xog-Hayaha Xisbiga wadani in wasiirka ku xigeenka arimaha gudaha iyo guddoomiyaha maxkamada sareba ay ka hadleen arimo siyaasadeed oo ay xilkooda ku difaacanayaan ee aanay ka hadlin cadaaladii iyo tabashadii garsoorayaasha. “waxa ka hadlay wasiirka arimaha gudaha waxa ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamada sare kuwaas oo dhamaan tood-ba ka hadlay arimo siyaasadeed ee aanay ka hadlin tabashadii garsoorka halkaas waxa nooga muuqata ka xisbi wadani ahaan in ay ku bur-burtay nidaamkii dawlad nimo, xukuumaduna hortu waxa ay noqotay yaa saxaafada nagala hadlay halkii ay xal ka gaadhi lahayeen ceebta hoos teeda taala bur-burka gudaheeda ka jira iyo maamul xumada ragaadisay xukuumada oo madaxwaynaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo”.

Waxa kale oo uu wasiir ku xigeenka arimaha gudaha somaliland ku edeeyey inuu baryahanba faro galin qaawan kula dhexe jiray bahdii garsoorka somaliland isla markaana ay cadaynayso in ay xafiiskiisa yaalaan 380 kiis oo uu fulintii ka hor joogsaday. “wasiir ku xigeenka arimaha gudaha somaliland laba qodob oo uu sheegayba waxa ay qirayaan wax ka baxsan nidaamkii garsoorku lahaa iyo nidaamkii dalku ku shaqaynayey waxa uu sheegay in 380 fulinood yalaan xafiiskii oo uu ka hor joogsaday inuu siiyo fulintii taas oo ku tilmaamaysa cadaalada daro yaase wasiirka ku yidhi waa cadaalada daro yaa udirtay cadaalada masuul ma ka noqon karaa cadaalada wasaarada arimaha gudaha somaliland waxa ay xaq uleedahay in ay marka ay soo dhamadaan arimaha maxkamadayntu iyaduna hawsha loo dhiiba in ay fulisa uun”.

Waxa uu carabka ku adkeeyey xog-hayaha guud ee xisbiga wadani inuu wasiir ku xigeenka arrimaha gudahu uu cid garabka saarayo isla markaana go’aankii Maxkamada ku tilmaamayo cadaalada daro. “kola uu wasiirku ku leeyahay waa cadaalada daro waxaana uu dareemayn inuu cidna diidan yahay cidna aanu doonayn cidii loo xukumay waa uu difaacayaa cidii laga xukumayna waa uu dulmayaa. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay isla markaana sheegay inaanu xisbiga mucaaradka ah ee wadani aanu diyaar u ahayn mudo kordhinta la hadal hayo waxaana uu madaxwayne siilaanyo u soo jeediyey inuu tix galiyo balan qaadkii uu ka sheegay aqalka golaha barlamaanka somaliland kaas oo ku cadeeyey inaanu diyaara u ahayn madaxwayne siilaanyo in doorashada maalin lagu darayn.

Dhinaca kale ku xigeenka xoghayaha guud mudane Jamaal Jaamac Xaamud ayaa dhiniciisa badhasaabka gobolka sanaag ku eedeeyey inuu albaabada u laabay maxkamadihii gobolkaasi waxaanu yidhi “badhasaabkii gobolka sanaag wuxuu shalay xidhay maxkamadihii ceerigaabo rafcaankii, gobolkii iyo degmadiiba isagoo ugu marmarsoonaya way shaqaysan waayeen runtuna waxay tahay isagu xaq uma laha inuu xidho, waxana looga baahnaa inuu warbixin usoo gudbiyo guddiga caddaaladda wixii dhib ah ee jira markaas waxaanu leenahay waa farogalin qaawan oo toos ah oo lagu hayo maxkamadaha waxana caddayn dadka ugu filan in maxkamadihii hoose oo dhami qayliyeen oo yidhaahdeen waxay wasiiradu noo soo qorayaan warqado ah waxaanu idin faraynaa taasina waa mid wax u dhimaysa dawladnimadii Somaliland”.a.

Salaanmedia/Hargaysa