Marwadda Koowaad ee Soomaaliland oo ka Qeyb-gashay Xaflad Lagu falan-qeynayay Horumarinta Waxbarashada Salaxley

Marwo AAMINA WARIS

Hargeysa(SM)- Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde iyo xubno Wasiirro ka tirsan Xukuumadda ayaa ka qayb-galay kulan xalay lagaga hadlayey baahiyaha waxbarasho ee degmada Salaxlay.

Kulankan oo lagu qaybtay Huteel Star ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo ka soo qayb-galay Wasiirka wasaarada waxbarashada,Wasiirul dawlaha Madaxtooyada, Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda degmadaasi.

Marwada koowaad Jamhuuriyadda Soamliland marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde oo halkaasi ka hadashay ayaa waxa ay tilmaantay in ay wax la qaban doonaan baahiyaha aas aasiga ah ee degmada Salaxlay,waxaanay ku ammaantay sida isku duubnida ah ee ay wax u qabsadeen waxaanay tidhi. “Sharaf weyn ayey ii tahay inaan idin kala soo qayb galo munaasibadan lagu soo bandhigayo baahiyaha xaga waxbarashada ee Degmadda Salaxlay iyo meelaha ay xukunto,marka aynu wax qabsanno ee gobol iyo degmo wax qabsadaan ayey wax isku biirinayaan, marka baahi la sheegto cidkaa baahi badan ayaa jirta sida aynu wax u hayno ayaan gobolada iyo degmooyinka dalka u kala qaybinaynaa sida ay u kala baahi badan yihiin ayaanu u eegaynaa iyo sida ay wax u qabsadaan ama ay la yimaadan waanu u eegi markaa waan ogahay in Salaxlay kaalinta koowaad galayso.”

Wasiirka wasaaradda waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay ka wasaarad ahaan wax ka qaban doonto baahiyaha ka jira Degmada Salaxlay ee dhinaca waxbarashada la xidhiidha, waxaanay tidhi “Runtii degmadda Salaxley iyo meelaha kale dalka ee mid ah wixii laga qaban karo in laga qabto waanu ku dadaalaynaa,baahiyuhu ma dhamaanayaan ee waanay badan yihiin. Markaa waxaan idiin sheegayaa inaanu dedaal u galayno wixii aan qaban karno inaan daboolo.”

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee wasaaarada qorshaynta qaranka ahna gudoomiyaha dhismaha wadada Salaxlay iyo Hargeysa isku xidha Mudane Cali Ibraahim Maxamed (Cali Sanyare) waxaanu ka warbixiyey xaalada waxbarasho ee degmada Salaxlay,waxaana uu ku ammaanay wasiirka waxbarashada in ay wax ka qabatay baahiyaha waxbarasho ee Salaxlay.

Salaanmedia/Hargeysa