Mashaariicdan Horumarineed Waxay Muujinayaan Sida Ay Xukuumadda Uga Go’an Tahay Horumarinta Gobol Iyo Degmo Walba”. Wasiirka Maaxtooyada.

(SM-Hargaysa) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mud. Xirisi Cali Xaji Xasan ayaa ka dareen celiyay ujeedada waxqabad ee Xukuumadda uu kamidka yahay iyo mashariic horumarined oo ay shalay wafti uu hoggaaminayaa ka dhagax dhigeen degmada War-Cimraan. Sidaana wuxuu ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu Internetka ku leeyahay ee Guusha.com wuxuuna u dhignaa isagoo dhamaystiran.

 

“Waxay ahayd maanta kadib markaan u kicitinay degmada War-Cimraan aniga iyo wafti balaadhaan si aan mashaariic horumarineed u soo dhagax dhigno una soo balan qaadno fulintooda, Mudadii aan ku sii jeednay degmada War-Cimraan ayaan sii marnay deegaamo kale isla markaana ay nagu soo dhawaynayeen qalbi furan iyo caqli caafimaad qaba,

Waxaa hubaal ah in dalkeenu  soo maray marxalado iyo xaalado kala duwan isla markaana uu yahay dal u baahan wax ka qabasho iyo hiigsi horumar baaxad leh, si aan uula tartano dunida inteeda kale.

Maalinba meel ayuu marayey dalkeenu , shalay waxaan ku jirnay halgan aan dib uugu helayno dalkeenii maantana waa Illahay Mahadii oo waxaan cagta saarnay jidkii horumarka .Dhagax dhiga iyo balan qaadka aan maanta u soo samaynay degmada War-Cimraan waxay muujinaysaa sida ay xukuumada uuga go’an tahay horumarinta gobol iyo degmo walba oo dalkeena kamida.

Waxaan ku faraxsanahay dadkeena Somaliland meel ay jooganba sida ay uugu heelan yihiin horumarinta dalkooda, isla  markaana ay dhamaan u  leeyihiin dareenka ah iska wax u qabso iyagoo ku sifoobay gacmo wada jir bay wax ku qabtaan.”

Wa Bilaahi Tawfiiq.

 

Salaanmedia/Hargaysa