Maxaa ka dhadhamay ee laga uriyey lacagtan diiwaan gelinta ma diid dib ha u dhacdeebaa

BISMILLAAHI    RAXMAANI      RAXIIM

                            ASSALLAAMU CALEYKUM WA RAXMA TULLAAH

 MAQAAL

Sallaantaa iyo magacaa illaahay ee aan ku billaabay maqaal kan kooban ka dib waxaan si gaar ah oo xushmad iyo qaderini ku lammaantaha u sallaamayaa dhammaanba bahweynta  war baahin ee  ku soo baxda ama ku hadasha af soomaaliga ee madaxa banana xortana ah

 

Hadaan intaa ka gudbo waxaan doonayaa akhristoow in manta wax yar ka idhaahdo war saaka oo ah maalin sallaasa ah taariikhduna tahay 3 2014-03-11 kusoo baxay war baahinta warkaas oo sheegaya in dawlladda Somali land ay diidey lacag dhan  $USD 500 000  shan boqol oo kun oo dollar ka maraykan ka ah oo uu baanka  hour marinta Africa ugu deeqay JSL uguna talo galay in loo isticimaalo lacagtaas diiwaan gelinta muwaadinka ama aan si kale u dhigee tiro koobka  dadka u dhashay JSL  hadaba akhriste waad ogtahay oo sababta ay xukuumadda JSL ku diidey lacagtaasu waxa weeye waxa lsoo mariyey  xamar  hadaba halkaas waxa ka dhalanaya su,aalo aad u tiro badan ee bal aynu is weydiino dhawr ka mid ah,

 

 

1 su,aasha  koobaad ma jiraa shir iyo wada tashi uu ka yeesha gollaha wasiiradda JSL ee dalka xukumaa arrintas oo ma tahay wax illaa xataa madaxweynuhu og yahay mise waxa ay ku koobantahay wasiir sacad xaaji cali oo keliya?

 

2 su,aasha labad ma jiraan caawimooyin kale oo inta ay xamar soo maraan aynu qaadanaa ama aynu diidney mise tan baa ugu horraysa?

 

3 su,aasha hadii ay dawladu dib uga noqoto qaraarkaa aduun koo dhan laga akhristay lagana maqlay maxaa ka dhalan kara?

 

4 su,aasha afraad ma laga yaabaa in ay arrin siyaasadeed oo qarsooni ka danbayso diidista lacagtan mise waa sidaa la inoo sheegay oo aan waxba ka danbayn?

 

Iskusoo wada duuduub armahan oo dhanoo horta waa wax sax u eeg ama ahba in la diido mucaawimo kasta oo noocan oo kale ah laakiin illaa intee in leeg ayay xukuumaddeenu ku adkaysan kartaa arrintan hadiibase aynu ognahay in ay wasaarado ka mid ah wasaaradaha Somali land ka hellaan gacan qabasho maamulka xamar sida wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare oo wixii tacliin scholar ship ah ee dawlladuhu bixayaan sida turkiga oo kale loosoo mariyo, iyo waliba wasaarada caafimaadka oo iyana xamar kala midaysan taba barrada shaqaalaha aqoon iswaydaarsiyada iyo arrimaha tallaalka cudurrada faafa sida polio da  oo kale oo wixii somaaliya la isku odhan jirey oo dhami ka midaysan yihiin iyo weliba wasaaradda duulista iyo hawada oo lacadteeda  hawada ay u qaado united nation ku lagu heshiiyey in la qaybsado  maxaa ka dhadhamay ee laga  uriyey lacagtan     diiwaan  gelinta  ma diid dib ha u dhacdeebaa

 xuseen xirsi caamir

inacaamir1960@hotmail.com