Maxaa ka jira in Warbaahinta Al- Shabaab ay Baahisay In Afhayeenkii Kooxda Al-shabaab Cali Dheere Dhintay?

 Shabkad ku hadasha afka kooxda Al shaabaab ayaa  lasoo dhigay in uu geeriyooday af hayeenka kooxda Al shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere.

Af hayeenka dhinaca howl galada kooxda shabaab C/casiis Abuu Muscab oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afkooda ayaa sheegay in uu shahiiday Af hayeenka Kooxda shabaab.

 

Sidoo kale Sarkaal ka Tirsan shabaab ayaa shaaciyay in uu dhintay Sarkaalkaas waxaa uuna sheegay in aynan u dhutinaynin sarkaalka asaga oo sheegay in uu shahiiday.

 

Sarkaal Ka Tirsan Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in aay dileen Af hayeenka kooxda shabaab Cali Dheere.

 

Af hayeenka kooxda al shabaab sheekh cali Maxamuud Raage sheikh Cali Dheere ayaa ahaa Sarkaal muhiim u ahaa shabaab.wuxuu noqanaya saraakisha ugu danbeeyay kooxdaasi laga dilo.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xusuusanaya Af hayeenka Kooxda Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere sheegada  dilalka kala du-duwan.

 cali-dheere1