Maxaaa ka jira in Diyaaradii la’la’aa ee Malaysia Airline loo afduubtay Somalia iyo Wargaysa kasoo baxa Bangaladish oo arinkaa soo bandhigay.

article-2579014-1C36752100000578-479_634x420

Sida laga soo xigtay Wargeys la yiraahdo Blitz oo kasoo baxa wadanka Bangladesh ayaa qoray warbixin ku saabsan in diyaaradii laga waayay dalka Malaysia ay suurto gal tahay inay soo qafaasheen koox Islaamiyiin ah isla markaana ay la tageen dhanka Soomaaliya.

Wargeyska oo soo xiganaya xubno ka tirsan military-ga dowladda Malaysia oo uusan magacyadooda carrab dhabin ayaa waxay u sheegeen in la tuhunsan yahay in diyaaradda ay leedahay shirkadda Malaysia Airlines ay gashay gacan koox afduubayaal ah oo aysan la kulmin wax shil ah.

Saraakiishaan ayaa wargeyska warkaan qoray u sheegay in la tuhunsan yahay in in koox afduubatay ay lasoo la tageen dhanka wadanka Soomaaliya.

Wargeyska Blitz ee kasoo baxa caasimada dalka Bangladesh waxaa uu ku tilmaamay in rakaabka diyaaradda saaran iyo diyaaradaba ay ku jiraan gacanta koox Islaamiyiin suurta galna ay tahay in Soomaaliya lagu haysto sida wargeyskaan qoray.

RIIX HALKAN

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dawlada Malaysia iyo dawladaha kale eek u hawlan baadi goobka diyaaradaan la la’yahay mudada 5,ta cisho ah hase ahaatee waa uu jiraa tuhunka in diyaayarada la qafaashay.

Diyaaradan oo nooceedu yahay Boeing 777 oo ay la socdaan 239 ruux ayaa la waayay saacad kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Kuala- Lampur ee caasimada wadanka Malaysia waxaana ugu war dambeysay xilli ay dul maraysay hawada wadanka Vietnam. (1537)

Salaanmedia/London