Meesha Kama Tage Waxna Kuma Tare ! Qalinkii: Baxnaan Xaaji Aden

Meesha Kama Tage Waxna Kuma Tare ! Qalinkii: Baxnaan Xaaji Aden

IMG_01EBBC-5CA8E7-82A6E0-8163A4-244D99-D04B34Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso

Dhaqane:Meesha kama tage waxna kuma tare.

Dhaashane:Waar waa kee kan maantana kan aad maanta ku soo toostay.

Dhaqane: Waa kan Wakaalada biyaha ee Hargeisa haysta.

Dhaashane:Oo maxaad ku cuntay adeer ninku waabu dadaalayaa baa la lahaaye?

Dhaqane:Ma sidaasuu weliba ku dadaalayaa?Sowkan dadki haraad u dhamaaday.Bal ka waran oo la odhan lahaa London biyo geli. Hargeysuu biyo gaadhsiin la`yehee . Mida kale ,yaa amaana dee aan kuwan Xidigta oktober ka shaqeeya aheyn?

Dhaashane:Xidigta oktoberna maxaa inoo keenay miyaanay tii kacaanka aheyn?

style=”font-size:16px;”>Dhaqane:Oo kanba sow kacaan maaha ?Ma isagaa dhaama?
Dhaashane:Kee dee ?

Dhaqane:Dee Tvga qaranka.

Dhaashane:Waar Tvga dacaayada nooga daa adeer.Ma bahalkan ilaa maraykan hada la gaadhsiyaad wax ka sheegaysaa?Kiinii xumaa aan Gabiley gaadhi jirin ka waran?

Dhaqane:Weligay mucaarid wax dacaayadeeya mooyaane dowlad wax dacaayadaysa oon idinka aheyn ma arag.Xataa haddii la idiinku dhaartay anaa mucaaridnimadii ka baxdeen oo dowlad noqoteena weli wax ma dacaayadaynaysaan?

Dhaashane:Sug heestaadii maanta an kuu qaadee:

Dadkaaga dhinac ka raac

Yaanad dhumine dhinac ka raac

Hoy hoy dhinac ka raac

Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden

sweden