Meherkii Qarniga Munaasibaddi Imperial Iyo Madashi Kulmisay Koofiyada Labadda Dhinac Lamaanaha Gayaankooda Idilkii Iska Doortay + Sawiro

10
Meherkii Qarniga Munaasibaddi Imperial Iyo Madashi Kulmisay Koofiyada Labadda Dhinac Lamaanaha Gayaankooda Idilkii Iska Doortay + Sawiro
 
Waxaa Maanta Hotel Imperial ee Magaalada Hargaysa Meherkoodu ka Dhacay Boqorka iyo Boqorada Lamaanaha isdoortay Cumar Cali Xasan Iyo Hodon Muuse Abdulaahi
 
Munaasibadii Meherka lamaanaha Da’da yar ayaa ahaa Mid si heer sare ah loo soo Agaasimay oo Maqaamkeedu sareeyo isla markaana Kulmisay Siyaasiyiin siweyn looga yaqaano Dalka, Masuuliyiin ka kala socota Golayaasha Guurtida iyo Baarlamanka Salaadiin, Qurbajoog, iyo Dhamaanba Haldoorka iyo Koofiyada laba Dhinac.
 
Waxaana Madashaas Sidii Soomalidu ku Caan baxday, kuna Qotontay Diinteena Suuban, si Gacltooyo iyo kala raali ahaansho ay ku dheehan tahay laysu waydiistay laysuna siiyey Wiilka iyo Gabdha iska Xushay Gayaankoodba Idilkii waa Mudane  Cumar Cali Xasan Iyo Marwo Hodon Muuse Abdulaahi
 
Si milgo lehna waxaa Madashaasi oo ahay mid laysku arkay Gacmaha laysku dhaafsaday laguna kala Gudoomay, sidii Caadadu ahayd Sooryo Qaran iyo Gabaati Gobeed.
 
Waxaana Dhamaan Ehelada Qoyska Cusub Madaxda iyo Masuuliyiintii Madashu kulmisay ay si siman ugu Hambalyeeyeen Qoyska sidoo kale waxay Alle uga baryeen inay Guul ka gaadheen Hadafkooda Nololeed 

 

 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12
Â