Meydadka Odayaashii Beesha Direed ( Biimaal) ee laayay oo maanta la gaadhsiiyay Deegaanka Nambar Konton

NEWSSS

Wararka laga helaayo Deegaanka Nambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in maanta la gaadhsiiyay meydadka ilaa 8 xubnood, oo lagu laayay duleedka Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay.

Tirada Odayaasha Dhaqanka ee la dilay waxaa weeyeen 7 xubnood, balse waxaa lala dilay nin la socday, waxayna noqoneysaa wadarta dadka la dilay 8 xubnood, oo ka soo ruqaansatay Magaalada Baydhabo, kuna sii jeeday Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadkaan, ayaa intoodu badan horey kaga soo amba baxday Deegaanka Nambar Konton, iyadoo inta kalana ay ka baxday Deegaanada kale ee ku teedsan Nambar Konton, sida uu ku waramaayo C/laahi Axmed Cali “Waafoow”.

Gudoomiyaha Deegaanka Nambar Konton, ayaa xaqiijiyay in meydadka Odayaasha la xasuuqay la soo gaarsiiyay Deegaankiisa, ka gadaal markii laga soo qaaday Degmada Buur Hakaba.

Gudoomiyaha wuxuu kaloo sheegay in Odayaasha aas loogu samayn doono Deegaanka Nambar Konton, inkastoo aanu sheegin waqtiga saxda ah ee la aasi doono iyo haddii Masuuliyiin ka socoto Dowladdu, ay kala qayb qaadanayaan aaska Odayaasha.

C/laahi Axmed Cali oo wax laga weydiiyay in dad loo soo qab qabtay Odayaasha Dhaqanka ee la xasuuqay iyo in kale, ayuu sheegay inaanay jirin cid haba yaraatee loo soo qab qabtay dilkooda.

Waafoow, ayaa tilmaamay in uu xiriiro la sameeyay Gudoomiye-yaasha Buur Hakaba iyo Leego, waxayna wadaan buu yiri baaritaano ku aadan, cidii geysatay xasuuqa Odayaasha.

Waafoow oo la hadlay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayaa ka gaabsaday in uu cid ku eedeeyo xasuuqa Odayaasha, laakiin wuxuu muujiyay in natiijada baaritaanada ay ka dhursugayaan.

Salaanmedia/Mogdisho