Midowga Yurub Oo Shir Dag Dag Ah Ka Yeelanaya Xaalada Ukraine,Maraykanka iyo Midowga Yurub oo isu xulufeysanaaya Ruushka.

Midowga Yurub Oo Shir Dag Dag Ah Ka Yeelanaya Xaalada Ukraine

UK

March 6,2014 (SM)-Waxaa magaalada Paris shalay kulan khaas ah ku yeeshay wafuud kala gedisan oo ka socda Ruushka, Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Kulamadan oo ay ka qeyb galeen xoghayaha Arrimahada Dibada ee Maraykanka John Kerry, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Sergie Lavrov.

Wasiirka Arrimaha Dibada Ruushka Lavrov ayaa diiday inuu la kulamo dhigiisa xukuumada cusub ee Ukraine, Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in xukuumada Ukraine ee ku sugan Kiev ay tahay mid aan sharci ahayn.

Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in wadahadaladan ay yihiin kuwo adag, isla markaana la saadaalin karin natiijada kasoo bixi kara, wuxuu sidoo kale sheegay in looga baahan yahay dowlada Ruushka inay dajiso xaalada Ukraine.

Cunaqabateynta Ruushka

Waxaa maanta (khamiis) kulan deg deg ah isugu imaanaya hogaamiyayaasha wadamada Midowga Yurub oo ka hadlaya xiisada ka taagan dalka Ukraine.

Qodobada shirkan looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah cunaqabateyn la sheegayo in lagu soo rogi doono dalka Ruushka.

Balse dalkaasi Ruushka ayaa horey u sheegay hadii Midowga Yurub cunaqabateyn kusoo rogto inay dhankoodana ay la wareegi doonaan dhamaan Dhaqaalaha iyo hantida ay leeyihiin shirkadaha laga leeyahay Midowga Yurub.

Salaanmedia/London