“Mucaaridku haCadeeyaan Halka ay ka Keeneen Muddo Kordhintan Iyo Saska..” Gudd: Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md.Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac-shabeel)

jaamac shabeelHargeysa (SM)-Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE ayaa sheegay inaanay garanaynin ujeedooyinka ay axsaabta mucaaridka ahi xiligan ka qeylinayaan, iyadoo aanay jirin ifafaale xukuumadda muddo kordhin loogu samaynayo isla markaana ay xiligii doorashada wakhti badan oo doorasho dalka lagu gaadh siin karaa ka hadhay.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md.Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac-shabeel) oo xalay ugu warramayay wargeyska Gudgudenews.com, ayaa ku dooday inaanay fahamsanayn qayladda axsaabta mucaaridka ah, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Annagu ma ogin wax dhibaato ah oo jirta oo muddo kordhin keeni karta, siyaasadda KULMIYE iyo xukuumadiisu ay ku shaqaynayaanna waa in doorashooyinku xiligoodii ku qabsoomaan, wakhti badan banana ka hadhay oo dalka doorasho lagaga qaban karro, sidaas darteed, annagu (KULMIYE) maanu fahmin qeyladda mucaaridka iyadoo aan la is-gaadhin-ba oo aanay waxba jirin.muddo kordhinta ay sheegayaanna iyagaa sheegi donna.”

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE waxa uu sheegay inay qeylada mucaaridka ee xilligani aanay ahayn mid munaasib ah, waxaanu ku dooday in hawshii diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha arrinteedii socoto oo la wado. “Wakhti badan ayaa ka hadhay doorashadii oo xiligeedii ma joogno saadaal doorashada dib u ridaysaana ma muuqato, markaa mucaaridku waa inay innoo cadeeyaan halka ay ka keeneen muddo kordhintan iyo saska ay qabaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cigge.

Salaanmedia/Hargeysa