Mungaab Maan Gaab Dheh Badhasaabk​a Muqdisho

maqaal

Waxaan Salaamayaa Dhamaan Saxaafadda Madaxabanaan ee S/land Waxaan Caawa Halkan Kaga Jawaabayaa Hadal Kasoo Yeedhay Badhasabka Xamar Hadalkaas oo Saaka Kusoo Baxay Boga Hore ee Wargayska Saxan Saxo oo Ciwaankiisu Ahaa BEELAHA ISAAAQ IYO DAAROOD NACAYB AY BEESHA HAWIYE U QABAAN AWGEED WAXAY NOOSOODIREEN RAG NA XASUUQA

 
Hadab Sidoo Kale Waxa uu Sheegay In Markii Ay Xamar Ka Bara Kiciyeen Labadaas Beelood Siduu Hadalka u Dhigay Ay Iyaguna Ka Aarsanayaan Hadaba Waxaan Leeyahay Mungaab Maangaab Soomaali Beeleheedu Waa Walaalo Mana Jirto Wakhtigan Wax Dhib Ah oo Dhextaalaa Balse Adigu Hadaad Isleedahay Xilka Laguu Dhiibay Awgii Dadka Walaaha ah Taasi Taageero Ku Noqon Mayso Talkale Maangaabaw Qaaxadu Ninkay Hayso Ayay Dishaa Ee Shaqada Laguu Dhiibay Hawsheeda Kasoo Bax Adigon Isaaq Iyo Hawiye Iyo Daarood Midna Turxan Kala Dhex Dhigin Waxaan Kaloo Maangaab Usheegayaa Inay S/land Tahay Dawlad Madaxbanaan Waxaana Dhidibada Utaagay Rag Qayrkaa Ah Shacabkoodii Usugay Amni Iyo Arimmo Bulsho Labadaba Balse Waxaan Hubaa Maangabaw Inaad Lugaynayso Ciddaa Waxa Kuu Diratay 
Mar Hadaad Durtaba Muusanaw Ku Dhufatay Oo aad Tidhi Tolaay Isaaq Ayaa Hawiye Xasuuqaya Waxaana Hadalkaagaasi Cadeeyay Inaad Ka Mid Ahayd Dadkii Xasuuqa Ka Gaystay S/land Waayo Maadaama Aad Kamid Ahayd Ciidamadii Dawladii Siyaad Bare
Markaad Maanta Aragtay  Xabaalo Wadareedada La Soo Qodayo Ayaad Ciiro Isku Qarinaysaa Colkii Cali Samatar Cidina Ka Hadhi Mayso Mungaabaw Falaadhi Gilgilasho Kaagama Go.ado Hadaad Isleedahay Ina Cabdi Godane Ayaa Hawiye Wax Yeelay Ayaa La Dhegaysanayaa Caalamka Iyo Anaga Toona Na Marimayso
 
Qalin Qorkii Sacad cali kaahin Raamalay Sacad Plucky 
Afhayeenka Mareegta Daryeelka Dimuqraadiyada Iyo Ka Hortaga Dib Udhaca Doorashooyinka S/land ee DUGSI