Nicholas Kay oo ka digay dagaal ka dhaca Magaalada Baydhabo, khilaaf Siyaasadeed oo jira awadeed

image

Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Nicholas Kay, ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaaya, ee ka jira Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Wakiilka, ayaa wuxuu War Saxaafadeed ku sheegay in uu isha ku haayo shirarka iska soo horjeeda, ee hareereeyay Magaalada Baydhabo, kuna kala qaybsan yihiin dadka Deegaanka.

Waxa uu soo jeediyay in dhinacyada isku haaya Magaalada Baydhabo, aynaan marka hore wax lug ah ku yeelan dagaal ka dhaca Magaalada Baydhabo, oo markaasi lagu carqaladeynaayo amniga xilligaan ka jira Magaalada Baydhabo.

Wuxuu kaloo uu labada dhinac uu ugu baaqay in ay si weyn uga hadlaan waxyaabaha ay isku hayaan, xalna ay ka gaaraan aragtida siyaasadeed ee u dhaxeysa. Isla-markaana ay u hogaan-samaan Dastuurka.

Sidoo kale dadka Deegaanka, ayaa wuxuu ugu yeeray in ay la yimaadaan biseel ay ku doonayaan, in dhinacba dhinaca kale uu kula hadlo, kana wada hadlaan waxa ay isku maandhaafsan yihiin.

Nicholas Kay waxa uu Dowladda Federalka ee Soomaaliya uu ugu baaqay in ay dardar-geliso Dhismaha Maamul Goboleed ay dadka Deegaanka, u dhan yihiin.

Amb. Kay si sax ah kama aanu hadlin aragtida Qaramada Midoobe ee ku aadan, Doorashada Madaxweynaha Maamulka Gobolada Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed, oo maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo.

Salaanmedia/Mogdisho