NINKA CIIR HAYAA, CIIDAN MA WAAYO! By: Abdi Geireh.

              MAQAAL

  NINKA CIIR HAYAA, CIIDAN MA WAAYO!

                              By: Abdi Geireh.

                Dawlada oo u nugul aadna u naceb sheeg-sheegista dhaliilaheeda in lagu baahiyo fagaarayaasha iyo saxaafadda, waxey u adeegsataa aamusiinta siyaasiyyinta, saxafiyiinta ama joornalada  ku afdheeraada waxey ku wajahdaa xeelado raqiis ah oo an difaaceyn balse ka markhaati kacaya jiritaanka ceebaheeda.

   Tabaha iyo Xeeladaha guracan ee ay dalka ku soo kordhisey waxa ka mid ah:

         1) Cuno qabateyn dhaqaale lagu saarayo guud ahaan shacabka, gaar ahaana Asxaabta mucaaraadka iyo shakhsiyaadka hormoodka iyo waxtarka leh ee dareen dadnimo iyo damiir nool leh yihiinoo maamulka Siiraanyo u arko in ay indho iyo hogaan haga bulshada oo ay ka hor-keenan maamulkooda, kagana guuleystaan hanashada kalsoonida dadka iyo codkooda oo kaga adkaadaan tartanka doorasho.

        2)  In hantida qaranka gacanta ku qabtaan si ayaga loo hoos joogo. Nin iyagu wax u tuuraan mooyee qof kala casheyn. Dadka maanta ninkii wax gacanta ugu haya ayaa dhinaca uu rabo u jeedin; “ Nin Ciir Hayaa, Ciidan ma Waayo”! waa tabahii isticmmarku nagu xukumi jirey.

         3) Xil-beenaad; Kuwa Mucaaradadoodu tahey xil raadis,  “  Xil- wasiir ku magacow; kursi meel cidla ah u dhig, koodh iyo tey (tie) u xidh wixii kugu qeyliya ayaga ka horgee.”

        4) kuwa aan macna buuran laheyn ee malafsi iyo Hunguri wado ee damiirkoodu beeca yahey kolba waxoogaa aan buureyn hoosta ka  gali,difaac iyo amaantaada gidaar walba ha la taagnaado e

           5) Kuwa Damiirkoodu nool yahey ee mawqifka adag; sida, HUBAAL iyo aqoon yahan JIIR iyo wixii la halmaala, arinkoogu waa cabudhin, Xoog iyo Jeelka.

           Horaan u soo aragney siyaasiin kursi meel madhan loo dhigey koodhna looxidhey oo markiiba boqol iyo sideetan degree (180*) isa soo rogey iyadaan wixii eedeyn iyo dhaliilo u muuqdey ay wali bartii iyo meel ka daran gaadhey, beeshiina sidii ay u qatan tahey wali.

            Xildhibaan Axmad-Yaasiin  Ayaanle oo ka mid ahaa ragga aadka u dhaliila siyaasadda, saami qaybsiga iyo waxqabadka xukuumadda ayaa  waxa dad badan isweydiinayaan waxa mar kaliya dhinaca kale u jeediyey iyada oo wax iska bedaley dhaliilihii iyo Awrkii sidii dhinaca uga raran yahey. Waxa gaadhsiiyey in NACNAC iyo CALI MAREEXAAN ka yaabaan!. Isagana ma dhabarkaa la taabtey oo koodhkiibaa harqaanlaha loogu soo tolayaa! meel madhan oo  kursi loo dhigigaa loo fiir fiirinayaa; mise in BOWLADEED ayuu Hadley!

Waxa hubaal ah, Wadooyinka Afar sano lagu dhisi waayey, Sanadda uga hadhey muddo xileedka loo doortey lagu dhisi doonin. Waa durbaan beenaad horey loo soo arkey iyo dhalanteed wax ma garatada maankooda lagu ciyaarayo; balse qof kasta oo garaad leh waa og yahey ujeedada loo ham iyo dig leeyahey.

Dadku wey ka soo daaleen ballan qaadyo afka baarkiisa ah. Saama jiid jiidka , sawaxanka iyo siigada dadka kala fadhiista. Muddo Kordhin iyadu waa wax soo gudhey oo hadalkeed daa.Doorashadana rabitaanka dadka ayey noqon. Hadduu raaska ad degan tahey dulin galo waa laga dig- rogasho!

Allaa Mahad Leh Ninkii Aaminaa Awood leh.

Abdi Geireh

ageereh@yahoo.com