Nuxurka Qodobo Laga Soo Saaray Shir Madax-Dhaqameedka Beesha Samaroon Uga Socday Borama

Daawo Muqaal: Nuxurka Hadaladii Laga Jeediyay Kulan Gogolxaadh U Ah Shirweyne Beelaha Gadabuursi Yeelanayo Oo Maanta Lagu Qabtay Boorama

(SM:Hargaysa) Shir madaxdhaqameedyada iyo aqoonyanada beesha Samaroon uga socday magaalada Boorama ee xatunta gobolka Awdal oo shalay la soo gabagabeeyay ayaa lagu go’aamiyay in shirweyne guud oo beesha Samaroon ay ku yeelanayso 30-ka bisha August 2014-ka degmada Garba-daradar, kaas oo lagu magacaabay guddidii qabanqaabada shirweynahaasi.

 

Sida ay Haatuf u xaqaiijiyeen dad goob joog ka ahaa shirkaasi madaxdhaqameedyada iyo aqoonyahanada beesha Samaroon Arbacadii todobaadkii hore uga formay magaalada Boorama oo shalay la soo gunaanaday, isla markaana saxaafadu aan loo bandhigin go’aanada ka soo baxay shirkaasi ayaa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ay sheegeen in laga soo saaray go’aano nuxurkoodu u dhigan yahay sidan:-

In beesha Samaroon ay iskugu timaado shirweyne guud oo wadatashi oo lagaga hadli doono danaha beelaha Samaroon, isla markaana lagu qaban doono 30-ka bisha August 2014-ka dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee degmada Garba-dadar, isla markaan abeel kastaa ergadooda soo xudho.

 

Guddi qabanqaabada shirkaasi maamuli doonta oo ka kooban 23 xubnood oo lagu magaacay.

In la adkeeyo wadajirka iyo nabad ku wada noolaanshaha beelaha reer Somaliland.

In ilaalinta nabadgalyada iyo jiritaanka qaranimada Somaliland meel looga soo wada jeesto.

In la xoojiyo midnimada iyo wax wada-qabsiga beelaha Samaroon, lana dhamaystiro wixii tabashooyina ee ka dhex jira.

 

Shirkaasi ayaa la sheegay in gabagabadii ay hadalo ka soo jeediyeen Salaadiinta kala ah Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal, Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar iyo Suldaan Saleebaan oo ka mid ah madaxdhaqameedyada beelaha Samaroon, kuwaas oo la sheegay inay ku duceeyeen qodobada iyo go’aanada layskula qaatay.

Dhinaca kale shirka beelaha Samaroon aqoonyahankooda iyo madaxdhaqameedyooda u socday ayaa la sheegay in muddadii afarta maalmood ee uu socday lagaga hadlay qodobo khuseeya dhinacyada siyaasada, nabadgalyada, dhaqaalaha iyo guudba xaaladaha ku wajahan deegaanada ay beesha Samaroon degto iyo guud ahaanba doorka iyo xaaladaha guud ee Somaliland wakhtigan xaadirka ah marayso.

Salaanmedia/Hargaysa

 

Xigasho:Haatuf

Â