Ogaysiis : Jaaliyada reer Somaliland ee Bristol iyo Cardiff UK Xafladii Mujaahid Cali Gurey Waxay Dhici Doontaa Axada 23/03/2014 in Bristol:


Ogaysiis : Jaaliyada reer Somaliland ee Bristol iyo Cardiff UK Xafladii Mujaahid Cali Gurey Waxay Dhici Doontaa Axada 23/03/2014 in Bristol:


Xafladani waa xaflad lagu soo dhawaynayo Guddoomiye-ku-xigeenka Sadaxaad….


Ogaysiis, Dhammaan shacbiweynaha reer Somaliland iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID ee ku nool Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff UK waxaan la socodsiinayaa in Xaflad meeqaamkeedu sareeyo oo ay iska kaashanayaan shacabka reer Somaliland ee ku kala nool Maagaalooyinka Bristol Cardiff Uk ay ka dhicidoonto Magaalada Bristol.

Xafladani waa xaflad lagu soo dhawaynayo Guddoomiye-ku-xigeenka Sadaxaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Gurey oo ayaamahanba safar booqasho ku joogay Dalka UK. Sidaa darteed dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland ee ku nool magaalooyinka Bristol Cardiff waxaanu idinku martiqaadaynaa in aad ka soo qaybgashaan xafladaas, soona dhawaysaan Mujaahid Cali Gurey oo ah Mujaahidiintii Dalkan u soo Halgamay.
Waxaa iyagana jira Xafladdo kale oo ka dhici doona Gobolada Dalka UK Insha Allaah, sida LONDON IYO BIRMINGHAM iyo Magaalooyin kaleba, kuwaa xaga danbe ayaan idinka soo sheegi doonaa wakhtiga iyo saacada la qabanayo balse iminka waxaan idin soo gudbinayaa Xaflada Bristol ka dhacaysa wakhtiga iyo saacada, waana sidatan:

Greek Community Hall.
Lower Ashley Road,
Easton, Bristol
BS5 0YL
DATE: 23/03/2014
TIME: 5:00 PM to 11:00 pm

Wixii faahfaahin ah ee aad u baahataan waxa kala xidhiidhaysaan masuuliyiinta Xisbiga UCID ee Magaalooyinka Bristol iyo Cardiff oo aan halkan hoose magacyadooda iyo Telephone numberkooda idinku soo qoridoono, waa sidatan:
Magaaladda Bristol UK Xisbiga UCID
Mustafe Tel: 07450235684

Magaalada Cardiff UK Xisbiga UCID
Mubaarig 07908917988Â