Ogeysiis…Xaflada qaadhaan uruurinta wadada Ceerigaabo..Fadlan kasoo qayb gal.

ogeysiis

Dadweynaha reer Somaliland waxa la ogeysiinayaa in Sabtidan soo socota, ee bishan March tahyay 8-da, xaflad qaadhaan loogu uruurinayo wadada Ceerigaabo lagu qaban doono magaalada London ciwaanka ah Bridge Park Complex, Brentfield, Harrow Road, NW10 0RG (off North Circular Road or A 406).

 

Munaasibadan oo lagu xusayo maalinta haweenka dunida waxa inagalasoo qayb galli doona fanaaniin aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin: Seynab Cige, Nimco Yassin, Qaboojiye, Cabdi Cumar-yare, Faarax Murtiile, Canab Ismaaciil iyo qaar kaloo badan.

 

Munaasibadu waxa ay bilaabmi doontaa 7-da habeenimo ilaa iyo 1-da habeenimo.

 

Fadlan si baaxad leh ugasoo qayb galla oo u hura Ceerigaabo iyo dalkiina waxa aad haysaan insha Allah.

 

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh 07940401288 amma 07950720961