Orodyahan Maxamed Farah(Mo) Oo Kaalinta Labaad Ka Galay Tartan Orodka Marathonka Ah Dhaxan Qabow Darteedna Miyir Doorsoomay + SAWIRO

March 16, 2014 Newyork(SM) – Orodyahanka Maxamed Farah ayaa laga qaaday garoonka kadib markii uu miyirbeelay orod ka dhacay  magaalada New York maanta.Tartankan oo ahaa nus maaratoon ayaa waxaa uu ku dhamaystay Maxamed Farah(Mo) 61mins 8 secs iyadoo uu kaalinta koowaad uu galay orodyahan u dhashay dalka Kenya.Mo Farah oo soddon jir ah ayaa si xowli ah ku dhamaystay tartankan waxaana uu ku dhacay dhulka kadib markii uu ka gudbay diilinta uu ku dhamaado tartanka.

Orodyahan Mo Farah ayaa sheegay in uu aad u wanaagsan yahay balse tartanka uu si xoog ah u cararay. Miyridoorsoonka Mo Farah ayaa la sheegay in uu ka dhashay qabow daran oo ka jira magaalada New York.Maxamed Faarax ayaa aalada uu ku leeyahay Twitterka fariin uu soo dhigay ku sheegay in uu aad u wacan yahay,Waxa kale oo uu sheegay in aad ugu mahadcelinaayo dhamaan tageerayaashiisa.

suuxid_mo_farah_1suuxid_mo_farah_2suuxid_mo_farah_3suuxid_mo_farah_4

Salaanmedia/London