Qaramada Midoobay oo ka hadashay Dil Wadareedkii 8-Oday loo geystay iyo Xaalada Baydhabo

image

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ka hadashay xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, halkaasi oo labadii maalin ee aan soo dhaafnay ay ka dhacayeen banaanbaxyo iyo dilkii loo geystay Odayaal dhaqameed si arxan daro ah loo dilay.

Warqoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya Nichlos Kay, ayaa wuxuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay waxyaabaha ka dhacay Magaalada Baydhabo.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa ayaa loogu baaqay dhinacyada isku haya taageerada maamulada kala duwan ee magaalada Baydhabo inay xaalada dajiyaan si aysan dhibaato kaga dhicin Gobolkaasi.

Nichlos Kay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo qorshaha Dowlada Soomaaliya ee xaalada siyaasadeed iyo hogaamiyaal loogu sameynayo dalka Soomaaliya, taasi oo la micno ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo dowlada hoos yimaada.

Nichlos Kay, ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay dil wadareedkii loo geystay Odayaal kasoo tagay Magaalada Baydhabo oo Shabeelaha hoose kusii jeeday, laguna dilay deegaanka Jameeco oo Buu Hakabo ku dhaw.

“Waxaan cambaareynayaa dilka wuxuushnimada ah ee Odayaasha loo geystay waxaana tacsi u dirayaa eheladooda iyo bulshadii ay matalayeen”Sidaasi ayuu yiri wakiilka xoghayaha gaarka ah eee Qm u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Wuxuu ku baaqay in la sameeyo baaritaan dhab ah cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkaasi, sida uu ku sheegay qoraalkiisa kasoo baxay xafiiskiisa.

Lama oga cida rasmi ahaan ka dambeyso dilka loo geystay Odayaal gaaraya 8 oo Maalin kahor lagu dilay Gobalka Baay.

Salaanmedia/Mogdisho