Qarax saaka aroortii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee magaaladda Moqdisho iyo 1 qof oo ku waxyeeloobay.

 news

Saaka aroortii ayaa wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaa ka dhacay qarax noociisa uu yahay miino sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Qaraxan ayaa waxaa lagu xidhay mid kamid ah Baalayaasha ku shaqeeya Ileyska Cad-ceeda, kaasi oo ku yaala nawaaxiga Shaqaalaha ee Wadada Maka Al-Mukarama.

Baalaha la qarxiyay ayaa nambarkiisa wuxuu yahay 41 waxaana qaraxa baalaha kasokoow khasaaro uu soo gaaday qof shacab ah oo maraye goobta qaraxa uu ka dhacay oo ku dhaawacmay firirka qaraxa.

Qaraxyada Baalayaasha lagu xidho ayaan ka dhici waayahan Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale isweydiin mudan sida ay ku suuragashay in miino lagu xidho Baale ka taagan wadada Maka Al-Mukarama oo ay ka buuxaan ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha ammaanka Gobalka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin falkaan saaka aroortii lagu qarxiyay mid kamid ah Baalayaasha ku shaqeeya Ileyska Cad-ceeda ee ku yaala wadada Maka Al-Mukarama.

Horay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa loo qarxiyay ku dhawaad 10 Baale oo ku shaqeeya Ileyska Cad-ceeda, waxaana inta badan hada aan la shaqeyn nalalka ku shaqeeya Ileyska Cad-ceeda kadib markii ay xumaadeen, aysana helin wax dayactir ah.

Salaanmedia/Moqdisho