Qarsho weeyee qalbigu armuu nagga qarxaa,Qalinkii Fardawsa Maax Xasan(Nimco)


Qarsho weeyee qalbigu armuu nagga qarxaa,Qalinkii Fardawsa Maax Xasan(Nimco)


Xanuunada Madaxu way tiro badan yihiin, mid kasta oo ka mid ah na wuxuu leeyahay astaamo lagu garto iyo daaweyn u khaas ah, haddii markaa loo gudbiyo cidii takhasus u
leh baanashadooda………


Maskaxdeenna ayaa ah xubin ka mid ah xubnaha ugu mihiimsan jidhkeenna.
Waloow xubin kasta oo kale qofka loo galin karo ama uu badhkeed ku noolaan karo sida: Kalyaha, sambabada, beerka iyo xiidmaha oo haddii badh la jaro wali shaqayn kara iyo dhamaan
waaxyaha kale ee jidhka xataa wadnaha loo galin karo qofka mid kale.

Ayaa waxaa aan suurtagal ahayn in aad maqasho qof maskax loo galinayo ka dib markii tiisii hore dhimatey ama
bukootay.

Haddaba, haddii maskaxdii noqotay xubinta kala wada wax walba haseyeeshee aan la heli karin mid lagu baddalo waxaa mihiim ah in la ilaashado xubintaa.

Sida aan cinwaanka ku qoray waxay araar taasi ka mid tahay ciyaarta Dhaantada ee Soomaalida badhkeed ku tumato. Waxaan in badan dhadhansadey sida fiirada dheer ee qofkii
hal-abuuray odhaahdaasi uu u asteeyey maskaxda aadamaha, isaga oo ku tilmaamay quraarad.

U fiirso haddii quraarad dhulka ku dhacdo oo dharfiifaha noqoto, ma dhici karto in inta lasoo ururiyo dib laysugu geegeeyo oo ay quraaradii noqoto ama wax u dhawba halka alwaaxda,
qoryaha iyo biraha la kabi karo ama la laxaamadi karo.

Maxaa yeelay quraaraddu marka ay jabbto badhbaa ciid noqda, waata aynu nidhaa ‘’sonkorta ayey noqotay’’ marka laga hadlayo
dhalo burburtay oo jajabtay.

Waxa aan uga golleeyayey maaddaama uu qofkii ku heesay heestaasi uu inagga siiyey aragti cajiib ah oo cabiraysa haddii masxadu wax noqoto in talada qofkaasi faro ka baxdey. Si kale
haddaan u dhigo waxa ay dadkeennu yidhaahdaan ‘’Qof waashay wuu ladnaadey mooyee wuu
bogsadey ma leh’’ Iyadoo taa lafteeda ay jirrabeen in haddii xanuun maskaxeed qofka taabto in
uu ladnaan karo balse laga wada tagin. Taasina waxa ay sharaxaysaa araartii hore ee Qarshada
qaraxdey ee aan sideediin kusoo noqon doonin.
Haddaba waxaa is waydiin leh maxaa qarxiya maskaxda?
Xanuunada Madaxu way tiro badan yihiin, mid kasta oo ka mid ah na wuxuu leeyahay astaamo lagu garto iyo daaweyn u khaas ah, haddii markaa loo gudbiyo cidii takhasus u leh baanashadooda.

Waxaan halkan kusoo ururiye qaar ka mid ah waxa ay sheegeen
dhakhaatiirta ku xeel dheer baadhitaanka waalida iyo waxa keena.
Sababo ayey u aaneeyeen waxyaabaha maskaxda wareeriya oo qaarkood yihiin wax laga hor
tagi karo ama qofka laga badbaadin karo.

Halka qaarkale yihiin wax kasoo gaadhay dhaawac
ama nabar ku dhacay iyo in uu hiddo raacay qofku.

Si kastaba ha ahaatee sababta aan u
doortay mawduucan maanta ayaa ah xanuun maskaxeedka oo kusii badanaya bulshada
Soomaaliyeed gude iyo dibedba ha joogaanee.

Nasiib daro burburkii dagaalada oo aynaan wali
kasoo kaban ama wali qas dagaal uun ku jirno ayaa dhaliyey werwer iyo walaac dadka la darsay.

Waxaa burbukaa iyo baro kicii keeneen in naf iyo maalba la dumo, waxaana qoysas badan soo
gaadhay in dad badan ka dhinteen hantidoodiina waayaan ama laxaadka badh ku beeleen dagaaladaas.

Waxa kalee iyana dhacday in firxadkii dadku waddano kale gaadhay; taas oon
dadku nasiib u wada helin in ay wehel helaan ama nolol wanaagsan kala kulmaan dhulkii ay
tageen.
Halkaasna ay kalinimo badani ku dhacday taas oo waxyeelo ku keentay maskaxda dadka badhkood.

Qaar ka mid ah waxyaabaha maskada waxyeela sida la sheegay
Dhalan uu la dhashay qofku: Hereditary mental disorders.

Waxaa jira dad ka hiddo raaca waalidkood ama walidkii kasii horreeyey haddii uu jinsigooda ku jiray xanuun noocaas ah,
dadka noocan ah laftooda ayuu xanuunku kusoo dagdagaa haddii dhibaato kale lasoo daristo.

Nabar madaxa gaadhay: Traumatic Brain Injury (TBI) haba ahaado xansheerkii
hooyadii oo uu ka siibtey markii uu yaraayee jugta hoose ee madaxa gaadhaa waxay ugu
dambaynta keentaa xanuun maskaxeed, waxaana tusaale caafimaadku ku ogaadey dhaawacii
Phineas Gage oo isagu ahaa nin ka shaqaysanaayey1848 jid tareen loo dhisaayey halkaas
oo falidh bir kasoo duulay uu wajiga ka galay ilaa madaxa dhanka kale ugu baxay.

Nasiib wanaag waa laga saaray waanu ka kacay nabarkaa. Waxaase la sheegay in isbaddel ku dhacay
oo dabcigiisii iyo dadnimadiisiiba is baddashay ilaa uu ka dhintay 12 sanno dabadeed.

Waxay arrintaasi culimada caafimaadka u caddaysay in nabar culus oo madaxa gaadhaa uu maskaxda ku keeno khalkhal sidaana uu qofku ku noqon karo qof wax u dhimanyihiin una dhinto ugu dambaynta.

Balwadaha qaarkood: Alcohol and drug abuse, sida la xaqiijiyey isticmaalka daroogooyinka ayaa maskaxda gaadhsiiya dhaawac aanay kasoo kaban marka mudo dheer la
isticmaalo.

Dhaawacaas wuxuu keenaa in qofku noqdo qof wareersan kadib in tii ay isticmaalkawaxyaabahaas maandooriyayaasha ah kharibeen eey qaseen maskaxdii.

Qofka oo ay soo mareen masiibooyin aan xasuustoodu ka hadhin: post traumatic stress disorder (PTSD) Ha ahaadaan kuwo hal mar dhacay ama kuwo si joogto ah uu ugu dhex jiroba ee. Arrintan oo aan odhan karno waa furaha koowaad ee keena isku buuqa iyo
waalida ay dad badani hadda u xidhxidhan yihiin.

Masiibada qofka lasoo daristaa way noocyo
badantahay, waxaana baryihii hore wadanadda reer galbeedka ay ku badneyd askartii dagaalada kasoo noqotay, halka ilaa maanta ay askarta dagaalada kasoo noqotaa sheegtaan xanuuno
xaga maskaxda kasoo gaadha.

Wuxuun baa sababbta loo aanaynayaa in geerida badan ee
hortooda ka dhacda ama dhaawaca jidh ee gaadha iyo diiqada nafta haysatay intii ay dagaalka
ku jirtay ama u diyaarka ahayd ay noqdeen wax aan qof kasta ka hadhin marka dambe balse
xasuustoodu ku keento xanuun. Sidaa darteed dadkeena in badan ayaa wali xusuusta wixii
dhacay ka tagin una buka.
Asaasaq: Dementias Qofka oo cimri dheer gaadhay kuna dhacdo isku darsan xagga
maskaxda ah, oo nooc waaliyeed ah.
Wax ma laga qaban karaa
Waxaa la sheegay in in badan oo dadka ka mid ah laga badbaadin karo in ay maskaxdu
qaraxdo, waana haddii la fahmo astaamaha sheegaya in qofka lasoo wadwato, haddii kolkaa
sidaasi dhacdo oo qofka loo gudbiyo cid takhasus u leh in ay baadho kana warransiiso qofka;
waxaa suuragal noqota in la badbaadiyo. In badan oo dadka ka mid ah way la noolaan karaan
xanuunka haddii ay dawadooda u qaataan si jooto ah. Waxaase mihiim ah in la ogaado nooca
xanuun maskaxeedkiisu yahay.
Soomaali ahaan maxaa qaldan?
Mushkuladaha ugu badan ee dadkeenna haysta waxaa ka mid ah in aynaan dadka warka ka
gurin ee aynu canaan dhago-toosis ah uun kula kacno iyo innagoo is diidsiina waxa uu qofku
tabanayo. ad’adeyga aan u dhalaney ayaa kasii dhiga qofkii kolkii horeba heehaabayey inuu
haadaan ka sii dhaco. waxaana muhiim ah in aan indho dheeraad ah u yeelano cabashada ama isbaddalka qofka ku yimaadda khaasatan dhallinyarada oo wali maskaxdoodu koritaankii u dhammaan ayna ku dhici karaan xanuuno waali keeni karaa.
Tahriibta iyo dhimirka Tahriibta ama socdaalka halaaga ee dadku usoo maro si uu ugu talaabo xaggaa iyo Yurub ama waddanada carabta ayaa ah cadaab uu qofku nolol ku soo arko. Ka dhintay ee ku lee’eday
saxaaraha iyo ka bada ku qarqoomay waxaa ka sii daran ka nool ee qolfoofkiisii uun u socdo.

Dadku waxay soo maraan dhib aan maskaxda aadamuhu maarayn karin. Socdaalka
haragwaaxa ah ee ay soo maraan waxaa ka daran faxshiga iyo arxandarada lagula kaco.

Dhibka shaqsi gaadha waxaa ka daran inta indhihiisu arkaan masiibo aan madaxu qaadi karin.

Ehelkood ama saaxiibkood ayaa hortooda lagu dilaa ama lagu kufsadaa. Qaar kalena iyagoo
arkayaa asxaabtooda badda lagu tuuraa ama ku qarqoomaan.

Haddaba innagoo ka dharagsan in dadkani maraan wax aan caqli aadame liqi karin ayaa waxaynu ku faraxnaa inta badbaada ee Yurub gasha ama meelo kale.

Balse waxaa is weydiin leh qofku naf ahaan wuu nool yahay ee
ma caafimaad qabaa?

Waxaa soo baxdey siina badanaysa in dadkii rafaadka noocan ah soo maray intooda badani bukaan. Maxaa yeelay sidaan hore usoo sheegay waxaa qaraxdey
qarshadii qalbiga.

Waxaa soo gaadhay wax aan aadame qaadi karin, waxayna intooda badani yimaaddaan dhul aan cidi kaga soo horrayn arxan iyo taageerona aanay ka helin. Waxa kalee kaga sii daran in ay waayaan hadafkii ay usoo socdeen iyo inay ogyihiin dadkii soo taakuleeyey ama bixiyey safarkoodii oo sugaaya.

Tani waxay ku keentaa in qaarkood is dilaan, qaarna aanay waxba ku noolayn ee ay madaxa u bukaan. Waxaana xaqiiqo ah marka qofku safarka noocaas ah soo dhameeyo in uu yahay bukaan socod una baahan yahay dhakhtaro lagu baanto
maskax iyo jidhba.

Waxaa laga yaabaa in aynu aad u maqalo dunida hore u martay iyadoo marka dil ama shil foolxun meel ka dhaco dadkii goobjooga ahaa loo diyaariyo caawimo lagaga kaalmaynayo in madaxooda la dajiyo si aanay saameyn ugu yeelan naxdinta iyo argagaxa ay arkeen.

Waxaa iswaydiin leh innaga kuweena tahriibay tolow ayaa ka baanta argagaxii iyo dhibkii ay soo mareen? Jawaabtu waa cidna, markaa yeynaan la yaabin marka ay isku buuqaan.

Maxaa inala gudboon inaan yeelo

●Wixii xanuun ah ee qofka kusoo kordha oogadiisaa laga dareemaa, hadday xumadi hayso, qufac iyo wixii nabar ah ee muuqda, balse wixii madaxa ka guuxaya hore looma arko waxaase jira astaamo tilmaamaya in xanuun jiro.

Waxaa wanaagsan in aynu astaamaha noocan ah fiiro u lahaano iskuna dayno in qofka haddii aynnu ku aragno aan si degdeg ah wax uga qabano walow ay kala duwan yihiin astaamaha xaruunada maskaxdu dhakhtarka oo kali ah na kala

saari karo haddana way fiicantahay in aan wax ka naqaano, Sida:

●Qofka oo dadka ka dhex baxa jeclaadana in uu gooni ahaado.
●Cuntada oo uu ka go’o ama yareeyo, hurdada oo ku yaraata.
● Wabin iyo ka dayrin nolosha ah oo uu qofku dayro iyo quus lasoo taagnaado.
● Iskuul, shaqo iyo waxyaabihii kale ee uu qaban jiray oo uu joojiyo.
●Daganaansho la’aan, xusuusta oo yaraata iyo fikirka oo qalloocda.
● Qofka oo aan is daryeelin, sida; maydhasho la’aan iyo is qurxinta oo uu daayo.
●Xaqiiqo la’aan aanu qofku hoos u dhaadhac yeelan naftiisa iyo axwaashiisa.
●Dabeecad baaxaa dagaysa oon meel loogusoo hagaago lahayn.
●Baqdin iyo shaki uu ka shakiyo dadka kale, xasilooni la’aan, iyo is dil uu ku fikiro qofku in uu is dilo.

Haddii aad markaa ka aragto qofka waxyaabahan waxaa wanaagsan inaad gargaar u raadiso.

Maskax wareerka iyo cuqdada dadkeenu ka qabo
Dawadda oon cuqdad ka qabno ayaa iyana dhib keeda leh, waxaa laga yaabaa in dhiro kala jaad jaad ah oo sheekhyo soo xaasibeen lagu dhuro qofka. Waxaa wanaagsan in aynu xasuusnaano in aan dadka oo dhan jin galin dawadooduna ahayn dhir la miiray, balse laga yaabo in dhakhtar nafsaani Psychologist ah, ama dhakhrar madaxa ah Psychiatrist uu u baahanyahay. Dawada oo la afduubo, lagana dhigo cudurka kaa gala fardaha in aad dameero ka gubto; waa
halkii abwaankee dawada lama gaadhayo!

Bal aan isku dayno in aan dhakhaatiirtana dhagaysano ama ku horrayno intaanay dhiro is jiidhjiidhay qofka uga sii darin.

Midse aan xasuusnaano in uu quraanka oo laysku akhriyaa mar
walba wanaagsan yahay.

Runtii waa mawduuc aannan ehel u ahayn una baahan in dhakhaatiirtu wacyi galin ka sameeyaan.
Mana aha wax hal maqaal lagu soo koobi karo, waxaan u soo qaatay uun wacyigalin iyo baraarujin maaddaama aynnu ognahay in xanuunkani hurro xun ku hayo bulshadeenna Somaalida, waliba raggu how badnaadee.

Qor ama akhri,

Fardawsa Maax Xasan(Nimco)
fardawsan@yahoo.ca


Published: 2014-03-01