Qaxoonti Ku Jiray Xeryo ku yaalla Jabuuti oo Soomaaliland dib ugu soo Noqonaya.

Qaxoonti Ku Jiray Xeryo ku yaalla Jabuuti oo dalka dib ugu soo Noqonaya

Wasiirka dib u dejinta Somaliland Axmed Cabdi KaahinSAYLAC(SM)- Shir lagu gorfeynayay sidii dib loogu soo guryo celin lahaa qaxoonti reer Somaliland ah oo ku jira xerooyinka Cali cade iyo Hol-hol ee dalka Jabuuti ayaa Lagu qabtay magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal.

Shirkan ayaa waxaa ku kulmay madaxda sare ee wasaaradda dibu dejinta, maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo sidoo kale madax ka socota hay’adda qaxootiyada adduunka ee UNHCR xasiifyadeeda Somaliland iyo Jabuuti. Wasiirka wasaaradda dibu dejinta Axmed Cabdi Kaahin oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay qaar ka mid ah qaxoontiga reer Somaliland ee xeryaha Jauuti ee Cali Cadde iyo Hol-hol ku jiraa dalkooda dib loogu soo celin doono.
“Todobaadada soo socda ayaa waxa la filayaa inay muwaadiniin reer Somaliland ah oo ku sugan xeryaha Cali Cade iyo Hol-hol ee dalka Jabuuti ku soo gurya noqdaan dalka, waxaana ka wada shaqaynaya Somaliland,Jabuuti iyo Hay’adda UNHCR,”ayuu yidhi Wasiirka Dib u dejintu. Saraakiil ka tirsan Hay’adda UNHCR oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Hay’adoodu kaalin weyn qaadanayso qaxoontiga lagu soo celinayo dalkooda Somaliland oo nabad-gelyo buuxa iyo horumar ay la qabsan karaa ka socdo.

Waxa kale oo iyaguna balan-qaaday in ay door ka qaadan doonaan dib u dejinta qoysaska laga soo rarayo xeryaha qaxoontiga Jabuuti Maayarka Saylac Xuseen Iidle Barkhadle iyo badhasaabka gobolka Salal Cabdirisaaq Waaberi Rooble.

Salaanmedia/Hargeysa