Qoraal xoojin ah oo aan ku kaabayo yaan la dhayalsan aaska maxuun maxamed suleebaan tubeec!

Qoraal xoojin ah oo aan ku kaabayo yaan la dhayalsan aaska maxuun maxamed suleebaan tubeec!

MAQAAL
 
fikirkaas uu soo jeediyay walaal keen daahir saalah ee ah yaan la dhayalsan aaska marxuun maxamed saleebaan tubeec oo ahaa masuul qaran oo  ka baxay dhamaan qoomiyada ku hadasha afka somaliga marka hore waxaan leeyahay ilaahay danbigiisa ha dhaafo hana geeyo janatul fardowsa aamiin ayaan leenahay,
 
intaas ka dib waxaan aad iyo aad aan ugu dhaliilayaa xukuumada Somaliland iyo shacabkaba reer Somaliland inaanay wax xil ah iska saarin qaylo dhaantii uu soo dirsaday marxuunku markuu xanuun sanaayay waxaanay ahayd hadii ay xukuumadu ka seexatay in ay u kacaan bulshada raydka ah iyo bahda fanaaniintu somalidu waxay tidhaah daa geel qaylo dhaan xun lama dhiciyo! hadii ay bulshada raydka iyo fanaaniintu ku celcelin lahaayeen in marxuunka loo kaco oo wax la taro maadaama uu soo qaylo dirtay waxa dhici lahayd in xil uun layska saari lahaa oo maanta magac xumo inagama raacdeen hadaynu nahay reer Somaliland iyo meeshii uu ab iyo isirba uu ka soo jeeday ee uu weliba jeclaa kuna dar daarmay in lagu aaso,
 
waxa taas ka faa-idaystay reer muqdisho oo uu sabab teeda uu lahaa gudoomiyihii gobolka banaadir ee hore maxamuud nuur talsan oo ahaa qof aad iyo aad u garasho fiican yaqaanayna sida umada loo kasbado halka uu inaga reer Somaliland ahaan maayarka caasimada hargeysa iyo ka berbera oo ah meeshii uu marxuunku asal ahaana ku dhashay ee uu ka soo jeeday ay ka seex deen!,
 
somalidu waxay tidhaah daa mayd maxaa u danbeeyey iyo kaas la siisido wixii hore ee la daayacay dhece waana wax laga soo gudbay hadaba maxaa maanta iyo xiligan la joogo inala gudboon ee la qaban karaa? suaashaas ayaa inoo taal waxay ila tahay in ay naan dayicin maydka marxuunka qaran ee inaga dhashay ee weliba ehelkiisa kula dar daarmay in lagu aaso halkii aabihii iyo hooyadii ay ku dhasheen ee weliba ku aasan yihiin oo ah magaalada berbera taasina ay muujinayso sida uu u jeclaa meeshii uu asal ahaan ka soo jeeday warkaas oo uu inoo xaqii jiyay walaal kiis jaamac saleebaan tubeec oo hada degen magaalada berbera,
 
xukuumadeena anigu rajo kama qabo oo waatii hore u dayacday janankii ciidanka bilayska marxuun saqadhi dubad oo ku geeriyooday isaga op weliba xika haya magaalada Dubai ee isutaga imaratka carabta ee ay soo qaadan kari wey day meeydkeeda! iyada oo masuulkaas qaranka ka baxay ka urinaysa inuu ahaa xisbigii UDUB hada waa nin dirays qaran iyo magac qaran huwan! waatii si qoys ahaana loogu aasay magaalada Dubai IHN aamiin isaga iyo inta dhimatay ee muslina,
 
waxaan ku talinayaa waar taariikhada waa lakala xadaa oo intaas Somali way isboobaysaa oo waxay maanta ku murmaysaa heestii ahayd somaliyay toosa oo uu lahaa midha heeda yuusuf xaaji aadan qabile oo laga qaaday oo la siiyay qaasim hilowla iyo mid kale oo hada USA jooga oo yidhi anaa iska lahaa! beri waxaad arki doontaan fanaankaas qaran ee maxamed saleebaan tubeec oo inta muqdisha lagu aaso la odhan doono wuxuu ku dhashay muqdisho oo uu ka soo jeeday! hadaan laga how gelin magac xumo ayaa inaga raaci kuwa aan weliba la hadlayaa waa fanaaniinta reer Somaliland bulshada raydaka ah maayarada hargaysa iyo ka berbera iyo weliba qurba jooga reer Somaliland,
 
waxaan daawaday durba fanaanada maryan mursal ciise bootaan oo leh markii ugu danbaysay aakhiru kalaam kiisii waxa uu yidhi marxuunku muqdisho halaygu aaso iyadaa ii gurmataye! waar yaanu idinla fududaan waa abawaan iyo fanaan qarane! ee fadhiga halaga kaco.
 
 
aadan axmed nuur