Turkiga oo Facebuuga mam nuucaya dalkiisa,Rai’salwasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegaya in dowladiisa ay mamnuuci doonto baraha bulshada ee Facebook iyo YouTube-ka.

140307120428_erdogan_304x171_reuters_nocredit

 

 

 

 

 

Rai’salwasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegaya in dowladiisa ay mamnuuci doonto baraha bulshada ee Facebook iyo YouTube-ka.

Waxaa uu sheegay in labada bar ay cabsi galinayaan xukuumadiisa.

Eedeymo musuq-maasuq ah oo ka dhan Erdogan ayaa la soo dhigay barahaas bulshada.

Waxaa ka mid ah isbuucii hore oo la sii daayey cod talefoon ah oo la sheegay laga duubay ooRai’slwasaaraha iyo wiilkiisa oo ka hadlaya siday ku qarin lahaayeen lacago malaayiin doolar ah.

Erdogan ayaa sheegay in uu ahaa codkaasi mid la soo mala awaalay oo ay cadowgiisa soo dhigeen baraha bulshada.

Salaanmedia/London

BBC