Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Isku Shaandhayn Ku Samaynaya Golihiisa Wasiirada Iyo Xubno Madaxweynaha Ku Dhow Dhow Oo Diiradu Saarantahay

Raysal Wasaaraha Somaliya Oo Isku Shaandhayn Ku Samaynaya Golihiisa Wasiirada Iyo Xubno Madaxweynaha Ku Dhow Dhow Oo Diiradu Saarantahay

rayMarch 1, 2014 Muqdisho(SM) – Warar soo baxaya oo laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in raisul wasaaraha Somalia C/wali Sheikh uu qorsheynayo inuu maalmaha soo socda isku shaandheyn kooban ku sameeyo qaar ka mid ah xubnaha golihisa wasiirada.

Isku shaandheyntan oo haddii ay dhacdo noqoneysa ugu horeysay ee lagu sameeyo golaha wasiirada oo dhowaan uun xilka la wareegay ayey wararku sheegayaan iney saameyn doonto dhowr wasaaradood oo qaabilsan dhinaca amniga iyo ciidamada.

Wararku waxay sheegayaan in wasiirka amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed xilka laga qaadayo, iyadoo la qorsheynayo in C/kariin loo wareejiyo wasaarada caafimaadka.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wasiirka amniga Qaranka loo magacaabo Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, iyadoo wasiirkii caafimaadka General Axmed Maxamed Maxamuud la hadal hayo in loo magacaabayo wasaarada Gaashaandhiga.

Isbedelka kooban ee lagu sameynayo golaha wasiirada ayaa la sheegayaa inuu yimid ka dib markii xukuumada ay soo wajaheen culeysyo dhinaca amaanka la xiriira oo lagama maarmaan ka dhigay in saraakiisha laamaha amaanka wax laga bedelo.

Sidoo kale, waxaa arintan ay timid xili xildhibaano ka tirsan baarlamanka oo fasax gebogebo ah ku kala maqan ay diyaarinayaan mowshin ka dhan ah saraakiisha laamaha amaanka dalka, iyagoo si weyn u dhaliilsan masuuliyiinta xilalkaas ku magacaaban oo ay ku eedeynayaan iney gudan waayeen waajibaadkii loo xilsaaray.

Warar laga helayo xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo wasiirka amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed labadaba ay ogolaadeen isbedelka kooban ee lagu sameynayo golaha wasiirada Somalia.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey faraha ka sii baxayey ka dib markii Al-Shabaab ay kordhisay qaraxyada, dilalka iyo weerarada kale ee ay geysanayaan, iyadoo weerarkii ugu darnaa todobaadkii hore lagu qaaday xarunta madaxtooyada Somalia oo ah goob aad loo ilaaliyo oo ay degan yihiin madaxda sare ee dowlada.

Salaanmedia/Mogdisho