Sarkaal ka tirsanaa Salaama Bank oo maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho

image

 

Wararka laga helaayo Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay sheegayaan in barqanimadii maanta lagu dilay nin ka tirsanaa Xarunta Bankiga Salaama ee Degmada Wadajir.

Dilka ninkaan, ayaa waxaa geystay askari ka tirsan Maamulka Degmada Wadajir, iyadoo dilka kadib la sheegay in uu ka baxsaday Degmadaasi Wadajir.

Ciidamada Dowladda oo gaaray halka lagu dilay marxuumka, ayaa waxay ka sameeyeen baaritaano ku aadan askariga dilka geystay, walow aynaan u suurta gelin in ay gacanta ku soo dhigaan.

Allaha u naxariistee marxuumka, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/laahi Xasan Cowsow, waxaana lagu sheegay in uu ahaa Madaxii Salaama Bank ee Degmada Wadajir.

Maamulada Degmada Wadajir iyo Salaama Bank, ayaan weli ka kala hadlin dilka loo geystay ninka ka tirsanaa Bankiga Salaama, oo aan la aqoon waxa sababay in la dilo.

Sidoo kale laamaha ammaanka ee Gobolka Banaadir, ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dilka marxuumka maanta loogu geystay dhinaca Galbeed ee Magaalada Muqdisho.

Billo kahor, ayay ahayd markii nin kale oo ka tirsanaa Salaama Bank lagu dilay Suuqa Bakaaraha, xilli la sheegay in uu shaqada ka soo rawaaxay, kuna sii jeeday hoygiisii oo ku yaalay Degmada Kaxda.

Salaanmedia/Mogdisho