Saxaafada Ingiriiska oo faafisay Sawirada ilma yar oo uu dhalay Wayne Rooney oo ku labisan dharka Barcelona(Daawo Sawirka)!!

Qaar ka mid ah Saxaafada dalka Ingiriiska ayaa soo bandhigtay Sawiro cadeyn ah oo muujinaya ilma ha yar  ee uu dhalay Wayne Rooney oo (Kai) lagu magacaabo iyo xaaska Rooney haweeneyda Coleen lagu magacaabo oo wada socda magaalada dhexdeeda xili uu wiilka weeraryahan Wayne Rooney uu ku labisnaa funaanada ama maaliyada kooxda Fc Barcelona.

Jaraaidka Mirror oo warbixin ka qoray arintaan ayaa qoyska reer Rooney wuxuu ku qanciyay in caruur kasta loo xidhi karo dharka kooxdii ay jeclaaan maadaama ilmaha inta ay yar yar yihiin kooxdii wanaagsan ay marba jecel yihiin. Ilmahay yar weeraryahan Wayne Rooney oo Kai lagu magacaabo inta badan marka uu aabihii u soo raaco garoonka kooxda Manchester United ee Old Trafford waxaa u xidhaa maaliyada the Red Devils Man Utd .