Shabaab oo maanta si gaadmo leh ku dilay 3 askari, halka laba kalana ay nolosha ku qabteen

alshabab344

Dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa waxay maanta wadada u galeen ilaa shan ka mid ah Ciidamada Dowladda Federalka ee Somaliya, xilli ay hawlo sahmin ah ka wadeen duleedka Degmadda Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Askartaan oo ka soo dhaqaaqday Degmada Buurdhuubo, ayay Shabaabku u galeen Deegaanka Buufeey oo 15km u jirta Buurdhuubo, waxaana halkaasi ku dhex maray iska horimaad muddo soconaayay.

Shabaabka oo ka tiro badnaa Ciidanka Dowladda, ayay u suurta gashay in 3 ka mid ah ay ku dilaan iska horimaadka, halka labada kalana la sheegay in ay nolosha ku qabteen.

Dagaal-yahanada Al Shabaab, ayaa horey u sii qaatay hubkii ay wateen Ciidanka Dowladda, lamana garanaayo halka ay ula dhaqaaqeen labada askari, ee ka midka ah Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo.

Ciidan hor leh oo ka soo baxay Degmada Buurdhuubo, ayaa ku guul dareystay in ay helaan meesha loola dhaqaaqay labada askari, inkastoo la sheegay in ay weli baadigoob ugu jiraan Ciidamada Dowladda.

Sarkaal ka tirsan Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed oo diiday in magaciisa Warbaahinta loo adeegsado, ayaa Dhacdo.com u sheegay in weli la weysan yahay labada askari, ee ay qafaasheen Shabaabka.

Waa markii ugu horeysay oo ay Shabaabku Gobolka Gedo ku dilaan, kuna qafaashaan askar ka tirsan Dowladda, tan iyo markii 9-kii bishaan si buuxdo loogala wareegay Degmada Buurdhuubo.

Salaanmedia/Mogdisho