SHABEEL DAD CUNA HADAL WAXBA KAMA TARO

calimaxamedbiixi

Waxa jirey dad BEERELEY ah oo tuulo yar kunoolaa , iyaga iyo beerahooda waxa u dhexeysey KAYN jiq ah , oo habar dugaag badani kunoolaa, kuwaas oo  hilibka dadka ka khashaafi jirey , dadka dhexmaraayana  waxba yeeli jirin , iyo shimbiro badan  oo heesaaya .

Hadaba waxa dhacdey maalin maalmaha ka mid ah , in shabeel gaboobey ay ku adkaatey inuu wax ugaadhsan karo , isagoo gaboobey awgeed , xanuunna u weheliyo , markaasaa wuxuu go aansadey inuu dadkii beeraleyda ahaa ee kaynta  sii dhex mari jirey , markey beerahooda ku socdaan iyo markey ka soo caraabaanba  inuu ugaadhsado .
Waxa tuuladii beeraleyda aheyd lasoo deristey dhibaato wayn , oo joogto ah , maalin kasta iyo habeen kastaba dhiilo ayaa u taalla , guri aan laga ooyey ama barooranayni ma jiro.
Beeralwydii waxay u ashtako tageen , ninkii magaalada u madaxda ahaa , in uu dhibaatadan wax kala qabto , laakiin umay suurto gelin in ay wax ka qaban karaan , waxaana u sabab ahaa , jileecooda iyo karti daradooda iyo isku duubno la aantooda .
Waxay go aansadeen in boqorkii (madaxweynihii)  jirey ay u gudbiyaan , wafdi ayey u direen xaggaa iyo caasimaddii dalka .
Wafdigii boqorkii (madaxweynihii) ayey u sharxeen dhibaatada heysata , waxaanay doonayaan in boqorku wax uga qabto , mar haddii uu yahey sharcigii dalka ugu sareeyey .
Boqorkii intuu aad iyo aad u cadhoodey oo isa sara taagan ayuu yidhi : maaniga oo nool ayaa waxaas oo kale dhulkeyga ka dhacayaan ? sidey suurto gal ku tahay in waxan oo kale dhacaan?
wuxuu u yeedhey wasiirkiisii boqortooyada (madaxtooyada) wuxuu ku yidhi : qor : waxqadani waxay ka timi boqorkii waynaa ee dalkan maamulaayey 
waxaanay ku socotaa shabeelkan dad cunka noqdey , ee amaanka laga waayey ee raciyadeydii soo weerarey ,
waxan ku leeyahey aniga oo ah boqorkii sharciga gacanta ku hayey , : shabeel yahaw joojin weerarka aad beeraleyda ku hayso , iyo dad cun nimada aad sameynayso , haddii kale talaabo adag baanu kaa qaadi doonaa , waanan ku ciqaaabi doonaa .
Boqorkii warqadii buu saxeexay , kabacdina wasiirkiisii boqortooyada ayuu u dhiibey , wuxuu ku yidhi : u gee shabeelkaa , oo gacanta ka saar , dadkii beeraleyda ahaa arinkii aad iyo aad bay ugu riyaaqeen .
Wasiirkii shabeelkii meeshii loogu sheegey buu tegey , kayntii markuu dhexmaraayo , ayaa shabeelkii mudh soo yidhi oo hortiisa isasoo taagey , wasiirkii gacanta ayuu u taagey oo warqadii u dhiibey boqorku soo saxeexay 
shabeelkii warqadii iyo wasiiskiiba wuu cunay .
Boqorkii wuxuu dhibaatadii beeraleyda ku xaliyey hadal iyo weedho aan ficil la socon .
Hadaba weedhaha iyo hadalka aduunkoo dhan iyo qawaaniintoo dhami , waxba ma taraan , waxna kaama celiyaan , 
Haddii aanu jirin ficil ama awood wax fulisaa .
Sidaa awgeed ma jiro hadal ama weedho kaa celinaya ( shabeel dadcuna ) , waxa kaa celin karaa waa awood iyo ficil .
 
CALI MAXAMED BIIXI          caliwwelli@hotmail.co.uk