Shacbiga Magaalada Barbera Oo Saluug Xoogan Ka Muujiyey Maamul Daadajin La’aanta Dawlada Hoose Ee Magaalada Barbera

Unknown

Hageysa(SM)Tan Intii Ay Jirtay Dawlada Hoose Ee Magaalada Barbera ayaa waxaa si aada isu soo taraayey  saluug xoogan oo  Shacbiga ku dhaqan Magaaladaasi ay ka Muujinaayeen Hawlaha Maamul ee Dawlada Hoose ee Magaalada Barbera, taasi oo ku sal leh in maamulka Dawlada Hoose uu si digtaytarnimo ah awoodii Golahaasi oo dhan uu gacanta ugu haysto Maayarka Magalaaladaasi Cabdishakuur Maxamuud Xasan(Cidin) .

Waxaana lagu sababaynayaa dareenkan Shacbigu inuu yahay mid majara habow uu ku dhacay hawlihii habsami shaqo ee Dawlada Hoose ee Magaalada Barbera, Maadaama aanu Golahani lahayn wax Maamul daadajin ah oo ka hooseeya Maayarka kaligii Taliska ah ee dagmadaasi ,waxaana shacbiga ku dhaqan magaaladaasi si aada ay u dareemayaan baylahda ku timi hawlihii wax ka qabashada adeegyadii bulshada ee magaalada barbara.

Majiraan  warar ku saabsan arintan oo iftiiminaaya sababta ay maamulka dawlada hoose ee magaalada Barbara ay ugu ururtay gacanta hal shakhsi oo qudha Marka Laga reebo Xoghayaha Dawlada Hoose  balse waxaa ay wararku tibaaxayaan in arintani ay tahay mid dhaqan oo aan ilaa hada si mugleh looga gun gaadhin in maamulka dawlada hoose loo sameeyo maamul daadajin.

Tana waxaa ay iftiiminaysaa sida aan marnaba magaalada Barbara aanay uga  hirgalin hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka ka hana-qaaday iyada oo dhinaca kalena muujinaysa in dawlada hoose ee magaalada Barbari aanay la darajo ahayn Dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka.

Si kastaba ha ahaatee arimahan ayaa waxaa si aada logu aanaynayaa in Maayirka magaalada Barbara cabdi shakuur maxamuud xasan cidin uu yahay shakhsiyad aan si aada u furfurnayn oo bulshadana aan si toosa u dhex galin.

Salaanmedia/Berbera