Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ka Mid kamid ah Ganacstada ugu waa weyn Dalka Soomaaliya oo laga qaaday Xayiraadi Mudo Sanado ah saarneyd.

axmed-nuur-cali-jimcaale

Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo kamid ah Ganacsatada ugu waa weyn Dalka Soomaaliya ayaa Hay’ada Qaramada Midoobay waxa ay ka qaaday Xayiraad Dhinaca Dhaqaalaha iyo socdaalka oo mudo sanado ah saarnaa.
Ganacsadahan ayaa ahaa Milkiilaha Shirkadii Al-Barakaat ee bur burtay, waxaana Xayiraad Dhinaca Dhaqaalaha iyo Socdaalka kusoo rogtay Hay’ada Qaramada Midoobay oo ku eedeesay in xadhiidh la leeyihiin Ururada Argagaxiso.

Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo la hadlay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Somaliga ayaa sheegay in uu soo dhaweenayo aadna ugu faraxsan yahay in laga qaado Xayiraadii saarneed Mudo sanado ah.

Dowlada Soomaaliya ayaa gacan weyn ka geesatay in xayiraada laga qaado Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale ,Ganacsadahan ayaa kamid kuwa ugu weyn Dalka Soomaaliya, waxa uuna saami badan ku leeyahay Shirkada Isgaarsiinta ee Hurmuud Telcom.

Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa xayiraad lagu soo rogay sanadii 2011-dii xiligaa ay dhaceen Qaraxyadii Mataanaha ahaa ee ka dhacay Magalada New Your, waxaa sidoo kale la xayiray Shirkadii Al-Barakaat uu madax ka ahaa Sheekh Axmed Nuur.

Salaanmedia/London