Siilaanyo Oo Mootooyin Lagu Galbinayo Sidii Siyaad Barre

Salaan ku socota hawlwadeenada shabakadan iyo dhamaan reer Somaliland

 
XIRSI MOOTOOYINKA
Waxaan aad iyo add ula yaabay wasiirka wasaaradaha Xirsi oo leh mootooyin cusub baanu dalka debedii ka keensanay si ay horboodaan Siilaanyo xiligan oo aynu ka wado dharagsanahay baahiyaha faro badan ee dalka ka jira sida biyo la’aanta caasimda Hargeysa, wado xumada dalka ka jirta min bari ilaa galbeed, shaqo la’aanta tahriibka bday dhamaan dhalinyaradii dalkan u dhalatay.
 
Akhriste bal ka waran wasiirkan ina leh wadooyin baan dhisayaa qaadhaankii yaraa ee ay muwaadiniinta reer Somaliland bixiyaan marna u adeegsanaya kala furfurka xildhibaanada barlamaanka marna mootooyin ku soo iibsanaya aan xiligan munaasiba ahyen oo aan baahi weyn oo inagua kaliftaaba jirin waa hadii aanay kooxdan maalinba maalinta ku xigta u sii eekaanaysa kacaankii Siyaad Barre rabin in ay dalka u rogaan boqortooyo oo la caabudo Siilaanyo. Waxaa kalood dareemaysaa sawirada Siilaanyo oo meel walba sudhan sidii Afweyne, ka bilow madaarka Cigaal ee Hargeysa ilaa iyo bakhaaradaa lagu soo rogay inay sidhaan sawirkiisa bal adba.
 
 
Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh.
Guleed Buraan
London