Siilaanyo safarkiisu haduu khayr lahaa khaatumadiisa ayaad ka garataa!,

MAQAAL

Waxay somalida ku ducaysataa ilaahayow khaatumada khayr noogu khatin! camal kasta oo bani aadamku qabto waxa u asal u ah wuxuu ku khaatumaysto ama ku danbeeyo ilaahay SWT isaga oo adoomihiisa la hadlaaya ayuu aayad quraana ku yidhi( yaa ayuha ladiina aamanuu lima taquuluuna maa laa tafcaluun kaburat maqtan cindalaahi an taquuluuna maa laa tafcaluun!) oo macnaheedu noqonayo kuwii ilaahay rumeeyow ee iimaanka laga helayoow maxaad u leedihiin waxaydaan idinku samaynayn waxa ilaahay agtiisa cadho ku wey naatay inaad tidhaah daan wax aydaan samaynayn) camalka ilaahay SWT adoomadiisa uga digayaa waa shayga munaafaqnimada ah waa qofka oo umada waxa uu u sheegayo ee uu uga digayo hadana isagii u daba mara! subxaana llaah,

dhinaca qowlka iyo dhinaca ficilkaba way khusaysaa waayo hadaad sanayso ficil aad markaas muraad gaara adigu ka leedahay oo sawirkan meesha ka muuqda mid aan ahayn aad ka wadato oo been iyo hawo iyo muraad gaara ku dhisan waa khiyaano aad umada ka gashay iyo ilaahay in kasta oo aan ilaahay SWT waxba ka qarsoomin oo uu quluubta bani aadamka daalacdo! somalidu waxay tidhaah daa iyaga oo cabiraya qowlka iyo ficilka is khilaafsan ( carab dalab leh adin dalab leh laga garan og!),

aan u soo noqdo mawduuca cinwaan kiisa madaxweyne siilaanyo waxa uu safar aad u dheer ku maray gobolo badan oo dalka ka mid ah waa waajib qaran oo uu hore u daayacay haduu ku dhaqaaqay maanta waxa safarkiisa ku wehelinayay golihiisa xukuumada inta ugu badan iyo xildhibaano ka tirsan aqalka wakiilada halkaas lafteeda hadii lays dultaago waxa ka muuqata qayrul masuuliyad aad u balaadhan waayo dalku waxa uu u baahan yahay in loo shaqeeyo ee uma baahna in madaxweynaha layska daba yaaco xitaa wasiiro badan oo aan kasoo jeedin deegaamada uu madaxweynuhu booqanayo oo reer hargeysa ah ayaa weftiga ka mid ahaa!

waxaas oo weftiya iyo madax ah ee madaxweynaha daba yaacayay waxa iyana lasoday shaqaale kale oo mid walba u gaar ah dhamaantood waxa ku baxaayay kharash aan laqiyaasi karin oo ah hantidii umada jilicsan laga qaaday oo aan loo tudhayn,

meel kasta oo uu madaxweynuhu tago waxa uu dhigaayay dhax uu leeyahay wax baan idiin qabanayaa mashaariic hore loo qabtay oo loo furayna din ayuu u furay dhaqaalaha dalka soo gala iyo waxa uu madaxweynhu balan qaadayay waxay ahaayeen qaar aan isu dheeli tirnayn oo aan isu miisaanayn waxa halkaas ka muuqatay in ay ahayn balan qaadyada madaxweynhu samaynayay qaar siyaasada iyo olole laga lahaa oo aan xaqiiqa ku salaynayn!,

xaq bay u leeyihiin deegaanada uu madaxweynuhu soo booqday inay wax ka helaan mashaariicda dalka ka socota iyo baahiyahooda in wax laga daboolo laakiin wax caqliga geli kara maaha inuu madaxweynuhu meeshuu istaagaba dhagax dhigo miisaaniyada dalkaba maqaadi karto inta mashuur ee uu soo dhagaxdhigay!,

su-aasha kale ee isweydiinta leh ayaa ah maxaa xiligan waqtihii ladoortay geba gebada yahay kusoo beegay?! hadaanu olole siyaasadeed oo doorashada danbe loogu gogol xaadhayo ahayn?! waxaaba cadeeyay inay taasi laf dhabar u tahay safarka madaxweynha qolyihii mikirifoonka madaxweynuhu ku hadlo ahaa ee deegaanka uu tagaba ka hadlaayay sida markuu joogay magaalada lughaya ee uu lahaa deked baan idiin samaynayaa kuwii halkaas ka hadlay ee uu ugu horeeyay xildhibaan axmed yaasiil sh cali ayaanle iyo magaalada ceerigaabo oo maxamuud aadan dheri halkaas kaga dhawaaqay in ay xaqtahay marhadii madaxweynuhu magaalo kastata soo dhagaxdhigay shan sano oo kale dib loo doorto!

hadaba safarka madaxweynuhu dalka qaar kusoo maray khayr iyo shar waxa uu lahaaba waxaa inoo cadeeyay khaatumadiisa markii ragii la socday ee hor boodayay weliba intii been masheegayaashiisa ahayd shil baabuur ku dhacay oo ilaahay SWT ka bad baadiyay taasina waxay u ahayd inay cashar iyaga u gaara u noqoto oo ay beenta yaraysataan ileen way dhimanayaane! hadii safarka madaxweynaha uu daacad iyo dar ilaahay iyo dalkaaga wax u qabo ku dhisnaan lahaa khaatumadiisa ayaa laga arki lahaa oo khayr ku soo dhamaan lahayd!

Aadan Axmed Nuur

khuurshe11@hotmail.com