Home Articles Silaanyo Oo Afar Sanadood Hurday Oo Sanadkii U Danbeeyey Dhagaxyo La Hambaabirey

Silaanyo Oo Afar Sanadood Hurday Oo Sanadkii U Danbeeyey Dhagaxyo La Hambaabirey

image

 

Madaxweynuhu afar sanadood buu ku jirey hurdo dheer oo uu lahaa gama’yey hurdada dheer …. Markuu soo toosey baa lagu yidhi sanad qudha baa xukunkii kaaga hadhey. Intuu haw yidhi waa kaa wadankii meel walba marey ee dhagax dhigay.Laasqorey oon xukun Somaliland ka dhisneyn buu xitaa dhagax dhigay.

Miyuu dheela-lowsanyey mise si kale ayey wax u jiraan. Waxaan ka yaa baya Silaanyo in uu markuu dalalka kalena safaro uugu baxo uu yidhaa dhagax baan meelo dhigayaa. Madaxweynahu safarkan ku dhibta ah ee Marwadiisu gelisey ee ay ku tidhi ka kac meesha waxa la leeyey sanad qudha baa xukunkii inoo hadhey e waa mid filim lagu metalayo la leeyey madaxweynuha weli itaal kiisa iyo caqligiisuba waa taam. Qof ifka nool oo 85 jir ah oon nooc kasta ha noqoto ee aan dawo ku nooleyni ma jiro.

Madaxweynaha oo da’daa jooga oo aan shaki ku jirin in uu dawo ku nool yahayna in Marwadiisu ay ka soo dhaweyso oo ay geliso safaro mudaro ku keeni kara waa wax aad loola yaabo. Berina waxaynnu maqli London buu siyaaro gaaban ku tegayaa isaga oo caafimaad u tegaya rux-ruxan ka soo gaadhey dariiq yadan dhaa dheer.

Waxa cid waliba ka dheregsantey in aan Madaxweynuhu diyaar u ahayn in mudo loo kordhiyo iyo in uu taratn galo toona ee cida uu ka fadhiyi la’yey waa marwadiisa oo aad u jecel in ay qasriga madaxtooyada ku sii jirto…. wax dhici doonana maaha oo dadku khaat yaan bay ka joogaan mudo loogu sii daro.

Abdi Mustafe
abdi_mustafe123@yahoo.ca